DABARKIYO XADHKIHII GOOSATAY YAA U DIGA MAANTA

Dabarku waa xadhig ama qalab kale oo loogu talo galay in uu hakiyo socodka ishinka sida awrta iyo fardaha; awrka ama ratiga waxa loo adeegsada in lagu guuro ama reerka loogu dhaamiyo, sababta habeenkii loo seeteeyaana waa in aanu debeda u dhicin ka dibna bahal dilin ama tuugba xadin. Farduhuna kaalin ayey ku lahaayeen sebenadii dilka iyo dhacu badnaa; labaduba sidaas ayey dhaqankii reer guuraaga saamayn weyn ugu lahaayeen.
Markay dowladnimo iyo maamul nidaam ummad ka dhexeeyaa yimidna, waxa lagama maarmaan noqotay in hab dhaqankan cusubna loo helo qaab xakamay iyo dabar u noqoda si looga digtoonaado dulmi, kelitalisnimo, amar ku taaglayn, iyo talo maroorsi kooxeed, caddaalad darro baahsan, iwm. si looga gaashaanto aafooyinka xukumka la xidhiidha ayaa ummad Islaamka ku abtirsata xeerarka ay isku maamulaan waxay saldhig u ah dalaalimada Diinta iyo shareecada.
Dalka Somaliland waxa ka hirgalay Distoor loogu codeeyey Afti Qaran oo heykalkiis guud dhammaystiranyahay. Distoorkaa laftiis waxa ku lammaan xeerarkii hagayey geedi socodka dalka. Xeerka ugu muhiimsanaa oo ah ka qabgalka Shirarka Dib-u-Heshiisiineed ee loo qabanayo dalkii burburay ee Soomaaliya la odhan jirey. Xeerkaasi wuxu musdambeed adag u ahaa gooni isutaaga, qarannimada, iyo madaxbannaanida Somaliland. Dabarkii iyo xakamihiiba goostayey yaa u diga maanta.
Iyadoon wadatashi macno leh laga yeelan ayaa labadi Gole ee Sharci Dejinta Somaliland hal daba la’ ugu codeeyeen in xeerka la laalo. Seddexdii Xisbi Qaran ee KULMIYE, UDUB, UCID iyana go’aankii Golayaasha ayey degdeg ugu dhufteen Shambadii Nebi Saleebaan. Sidii shimbir qafas ku jirey oo irridda la furay waakan xaalkeenii noqday canfaree firirig! Xagee loo diday oo xagee loo durdurinayaa?
Horaa loo yidhi durduro geelbaa ku jab; dabin siyaasadeed muddo dheer la soo maleegayey hadase aan waxba ku qarsoonayn waxa madasha Soomaali loogu diyaariyey yaa hadda isugu biyo shubanaya: Soomaaliyeey ishi geytaa dheha waa la idin muqunin oo waa la idiin talinayaa? Ciddii hore u tashanweydey maanta ha toosto. Su’aal keli aha yaa meesha ku jirta: Xoog iyo afduub bani- Aadamka ma lagu muquunin karaa oo Qaran Soomaaliyeed ma ku hano qaadayaa? Jawaabtu waa maya iyadoo kooban. Inta dowladaha daaha dabadiisa shirka London ka maamulayaan isku maaweelinayaan “MIDNIMADA SOOMAALIYEED WAA MUQDAS” wixii goobta ka soo baxaa waa xal u heliddii Soomali dibaatada Konfureed oo sii dab dheeraata.
Bilowgii todobaatanadii ayaa Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” isagoo xiliga ku sugnaa magaalada Muqdishu wuxu tiriyey gabay la odhan jirey “Caweyska Juba.” Isaga iyo saaxiibadiis oo hudheelkii Juuba fadhiya ayaa si lama filaan ah muusiiqo la tumay, dabeedna wuxu:
Hoobalada durbaanada tumaa kaga dayaansiiyey
Digtii hore wixii saar lahaa daba la’aan gooste
Sida geel dar loo horay golaha deyran lagu oogsay
Digrigii Xertii Ula Madow Dirirgtii yaabnay
Darka maanta Kooxihii Soomaaliya ku hirdamayey iyo Somaliland oo markii u horeysey kow iyo labaatan sannadood dhex kambadhuudhsanaysay golahaa deyran ee lagu oogsaday. Waa iga su’aale: Hadiiba qabqaabiyeyaasha shirka ay sida muuqata Somaliland ku beerlaxawsadaa: Hogganka iyo talada dalkii Soomaaliya oo dhan qhabta; dhaqaalaha caalamku ku yaboohayana idinku maamulkeeda yeesha; Caasimadii qarankuna waa Hargeysa, IWM.
Waxan sidaa u leeyahay qaar innaga mid ah oo hore Somaliland uga takoormay ayaa illaa hadda sheekooyin nocaas ah la shiryimaada- Waa qowmka aan ilaa maanta quusan; ilma dhuuta ka onkoday oo ad moodo in ay sida korokorada u tarmayaan oo iyana sidii dhurwaaga hadba meesha siniini ka uruto u beritamaya. Waxa iyana soo rogaalceliyey ceelalyadii Shirkii Embagathi iyo kuwii hore oo muscirirta reerka dul hoganaya.
Isku soo wada xooriyoo shirka London ee dib-u-hseshiisiinta Soomaali Koonfureed wax dan ihi Somaliland haba yarate ugu majirto. Waxa intaas dheer in aan qadiyadda qarannimada Somaliland goobta lagu soo hadal qaadayn. Sida aynu la socono wefti Madaxweyne Md. Axmed Maxamed Maxamuud hoggaaminayaa beri-February 18, 2012 u ambabixidoono magaalada Nairobi alkaas oo Madaxweynaha ay ku kulmidoonaan daneeyeyaash dabada ka riixya masraxiyadda bilaa dhammaad ka ah laga magaca baxday dib u xasilinta Soomaaliya. Waxa madaxweynaha Nairobi loga soo laqimdoona qodobo aad u xasaasi ah oo aan ilaa imika debeda u soo bixin. Hase ogaado Xaaji Axmed in isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaa ay xor u yihiin halkan garbaduubka loga yahay iyaga oo ashkhaas ah markaa nin weliba wixii magaciisu u gooyo ha ula doogdhowdo oo barbarka ha ka raacaan kooxda wadaad shariif, dibna yaanay dalka ugu soo noqon.
Berri ka maalin markay ujeedada shirku caddaato weftiga Madaxweynaha waxa horiman miyaan hore l idiinku sheegin “H u dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersaday.” Muxu weftigaas ssofdaran habaabay la soo guya noqon? Waxay xukuumadda Kulmiye la soo guryo noqon weynu garanaynaa oo waxa ka go’an in ay Golayaasha sharci dejinta soo hordhigto xeerkii gebi ahaanba tiritirayey jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland; isweydiiya waxa laga filan karo xildhibaanada Wakiilada iyo Guurtida ee duuduubka ku dhaqan geliyey ka qaybgalka Shirka London? Waxa xaqiiqo ah in ay duhur dharaareed dalka iyo dadkaba seyladda xaraashka ku hubsandoon.
Nasiib wanaag ummadda reer Somaliland waa dad ku iimaan qaba gooni isutaaga iyo qarannimadaba, nasiib darrose waxay la’yihiin hooggaan ribitaankooda ka midho dhaliya, oo siyaasiyiintii Somaliland ayaa weli u hanaqal taagaya dib u soo noolaynta himilo hore u dhicisowday.
Waxaynu dhornaaba waa maalmaha inaga xiga Shirka London. Yamani ayaa beri hore yidhi: “Ya abaa maxxasin ul dowlaha, al shahar taji guddaam al beyt.” Berigii aynu halganka ku jireyna ninbaa had iyo jeer odhan jirey: “WELCOME TO CIVILISATION!!”
Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse
February 17, 2012