Amuuri Alle leh ee ila arag mucjisadan!!!

 Waligiin ma aragteen nin 50 kun oo qof kaligii aasay?
Balaayaba balaayo kale ayay ka subxaanalaysataaye ka bogo warkaygan!!!
Intii aanu wadnay dacwadan Maxamed Cali Samatar oo jiitamaysay mudada 8 sano ku dhow hadana ka bilaabmi doonta Virginia wiiga danbe. Waxaanu lakulanay dad badan oo xog iyo xaqiiqo badan la yuurura iyadoo aanu si qotodheer u lafo guray dhibtaa culus ee ku habsatay Waqooyiga Dalkii Soomaaliya la odhan jiray laga bilaabo 1982 ilaa 1990. Arrinkan badidiisa dib ayaan u dhigayaa maxkamadan bilaabmi doonta awgeed waxaa se inoo bala inaan idiinka haqab tiro.
Markaan u kuurgalay dhimashada dadka shacabka ah ee dowladii ilaalinlay sida axmaqnimada ah ugu gumaaday Somaliland, waxaan ku qiyaasay ilaa 90 kun. Marka lagu daro dadka sababaha kale ee dagaal ay ka midyiin xanuunadii iyo nafaqodaradii qaxa iyo qaxootigii ku dhintayna kama yara 150 kun oo qof. Waxaa tusaale gaaban idiinku filan qoyskayaga reer Maxamed Iid oo kaliya waa 3 qof. Aan raaciyee, qofkasta oo reer Somaliland ah oon la shakaystayna waxa laga dilay ama sababta dagaal ku dhintay 2 qof iyo inkabadan intaasaana tusaale idiinku filan. Hadaan gudo galo ujeedadayda, aniga iyo shan qareen iyo nin dhakhtar ah ayaa Somaliland u tagnay hawsha kayskan bishii June ee 2011 anagoo ka anbobaxnay cardigan Maraykan. Fari togdheerbay kula xushaaye, dadbadan ayaanu waraysanay xog badana waanu helay, burka se bahal kama filan!!!
Waxaan kula kulmay xafiiska xasuuqa Ibraahim Axmed C/Laahi oo ah ninkii isaga iyo cagaftiisu ku aaseen 50 kun ee qof Malko Durduro iyo agagaarkeeda. Aan ku baro Malko Durduro hadaanad aqoone waa galbeedka Hargaysa waaxanay ku dhowday Taliskii Qaybtii 26 oo xoogii dalkiisa iyo dadkiisaba gumaaday cidbdaraduna u danbaysay. Qiyaasta dhulahaaneed ee Xabaal Wadareedyada Malko Durduro waa ilaa ½ mile oo wareega. Aan ku laabto Ibraahim iyo xaalkiisa. Ibraahim waxa uu u shaqaynayey Wasaaradii Howlaha Guud ee Hargaysa waxaanu wade ka ahaa cagaf aad u afwayn dhulkana qodi taqaan. Markuu xasuuqo bilaabmay, ayaa amar lagusiiyey isaga iyo cagaftiisu inay dooxyada ku aasaan shacabka dowladiisii gumaaday. Ibraahim mudo usbuucyo ah ayuu hawshaa waday galin hore iyo danbaba faalada iyo dheeraadka arrinkan Ibraahim ku habsadayna dib ayeynu u dhigane, haddiise aan inyar idiinka bidhaansho. Ibraahim waxa uu sheegay baaxada balaayada ka dhacday Malko Durduro in xitaa askartii wax tooganaysay, qaarbadan oo ka mida ilmadoodii tuutaha qoysay jihawareerna ku dhacay tiiraanyada shacabkaa masaakiinta ah ee la xasuuqayay awgeed. Mararka qaarna Ibraahim iyo askarta qaarkood intay hareeraha iska eegan ayaabay ilmada iyo tiiranyada shuraake ku ahaayeen!!!
Fari kama qodna ee la soco qaybaha danbe
By C/Casiis Maxamed Iid.
Posted By: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com