15-ka Urursiyaasadeed ee laga diiwaangeliyey Somaliland oo noqday 5 Xasad loo furay, 5 xaq loo furay iyo 5 Xal loo furay. FaaWeriye Mustafe Teacher)


Iyadoo Siyaasadda Somaliland ay marba marka ka danbaysa sii ballaadhanayso isla markaasna Noqonayso siyaasad dadka iyo dalkaba wada deeqda ayaa waxaa muddo yar ka hor laga diiwaangeliyey dalkan Somaliland 15 Urur siyaasadeed oo dhammaantood jecel inay u tartaamaan Doorashooyinka Golayaasha deegaaanka ee bilaha fooda innagu soo haya ka dhici doona dalka, kuwaas oo ay ka soo dhex bixi doonaan 3 Xisbi oo keliya.
Saddexda xisbi oo sida Dastuurka Dalka Somaliland dhigayo noqonaya Saddex xisbi qaran oo dastuurku ogolyahay ayay doorashooyinka dhow ku tartami doonaan 15ka Urur siyaasadeed iyo saddexdii xisbi qaran ee hore, hadaba ujeedka aan qalinka u qaatay islamarkaasna aan ugu arkay inaan kaga hadlo ururadan ayaa ah sida ay ururadu ku furmeen, ujeedooyinka loo furay marka la qiimeeyo sheekooyinka dhex mara dadka isugu yimaada meelaha lagu kulmo ee makhaayadaha ah isla markasna siyaasadda aadka loogu falanqeeyo iyo weliba siyaabaha ay uga shaqeeyaan gobolada dalka iyo khudbadaha ay dadka u jeediyaan masuliyiintoodu.
Ururada cusube e 15ka Urur ka kooban ayaa u kala baxay 3 Qaybood kuwaasoo noqday 5 Urur oo Xal loo furay, iyo 5 Urur oo Xasad (Xaasidnimo) loo furay iyo 5 Urur oo Xaq loo furay.
Saxaafadda, siyaasinta iyo Dhalinyarada Gobolada Dalka ayaa Goob kasta oo ay isugu yimaadaan ku hadal haya kuna soo hadalqaada Ururadani cusub, iyadoo Ururadani ay u furmeen markii hore si siyaasadeed, markii danbena si Beelnimo, Markii u danbaysayna ay kala noqdeenba saddexdan qaybood.
Haddii an ku horeeyyo 5ta Urur ee qiimayn laga sameeyey sheekooyinka iyo xanta Bulshada Qaybaheeda kala Duwan ku soo baxday inay yihiin 5 Urur oo xasad loo furay ayaa waxay kala yihiin.
Urursiyaasadeedka RAYS
Urursiyaasadeedka HORYAAL
Urursiyaasadeedka NUUR
Urursiyaasadeedka JAMHUURIGA
Urursiyaasadeedka XAQSOOR
1. Haddii aan mid mid isu dul taagno, Ururka RAYS ayaa dadku ku xantaan inu had iyo jeer marku ka hadlayo gobolada bariga Somaliland uu dadka kula hadlo af kulmiyeysan,isagoo xaasidnimo aan hore lo arag kula jira Xisbiga KULMIYE, halka uu dagaal ba’anna kagala jiro ururka dhalinyarada iyo aqoonyahanka ee NASIYE, waxa ay fagaare kasta kaga codsadaan dadka in codkii kulmiye ay xagan u soo wareejiyan, iyago xidhan shaadhkii ay sannadihi hore kulmiye ugu ololeyn jireen, waxay dad weynaha u sheegaan in xisbiyadii hore laga guuray oo ay gaboobeen, cid kasta oo kulmiye u codayn lahaydna ay sannadkan xooga isugu geeyaan RAYS, waa urur siyaasadeed inta badan magaca qabiil sita, hab qabiil ku shaqeeya, reer keliya ahina leeyahay go’aankiisa kama danbaysta ah, masuliyiintoodu maaha dad lagu yaqaanay saaxadda siyaasada,mana aha dad dadka ay la hadlayaan afar kelmadood oo dhaxal gal ah ku odhan kara, marka laga reebo waxyaabaha uu siyaasi waliba adeegsado, waa ururka keliya ee isagu isu arka loona arko urur Beesha habarjeclo leedahay.
2. Ururka HORYAAL o maalamahan u danbeeyey gobolada bariga xafiisyo ka furanayey ayaa sida lagu xanto ah ah urur loo sameeyey sidii loogu wiiqi lahaa awooda urursiyaasadeedka dhiggiisa ah ee UMMADA, kaasoo uu hogaamiyo Dhakhtarka weyn ahna siyasiga ruug caddaaga ah Dr.Maxed Cabdi Gaboose, waa urur hogaamiyaashoodu xattaa ay meelaha dadka kula xantaan ururka ummada iyo gudomiyihiisa, masuliyiintoodu ma laha aqoon iyo karti ay ugu baadi goobaan madaxtinimo,iyagaana mararka qaar afka ka qirta, inaanay weligood niyaysan, niyaddana ku qabanayn inay dalka hogaamiyaan, waxa sidoo kale aad ka garan kartaa Dadka ay xusheen ee ay xubnaha golaha dhexe ka dhigeen, qofka keliya ee la is odhan karo wuu ka dhex muuqdaa waa Prof C/salan yasin oo weli dadku is weydiinayaan waxa professoorkii maskaxda ka xaday, halka dadka qaar ku sheekaystaan in Dr. Gaboose iyo professorka colaad raagtay oo siyaasadeed ka dhaxayso rajana aanu ka qabin ururka ee u u soo galay uun Gaboose Nacayb.
3. Ururka Jamhuuriga oo isagana ay madax ka yihiin odayaal Gaboobay oo qaarkood ay ka Da’weyn yihiinba Madaxweynaha Somaliland oo lagu xanto Da’ ayaa u muuqda kuwa xaasidnimo la ciyaara ururka UDHIS oo ay isugu taageen mujaahindiintii ubadnayd ee hogaamiyaasha ka soo noqday ururkii SNM, Odayashan oo aan hore ugu jirin han siyaasadeed ayaa Nashkhadda magacana ka soo qatay urur ama xisbi ka jira waddanka MARAYKANKA.
4. Ururka XAQSOOR oo k amid ah ururadii magaca ururnimo ka buuxsamay ee magaca waayey ayaa la fikir ah ururada XASAD ka loo furay sida ururka RAYS, waxa had iyo jeer la arki jirey xubno iyo masuliyiin ka kala socda ururada XAQSOOR iyo RAYS oo makhaayado ka wada shaahaya oo meel wada fadhiya kana tashanaya xaasidnimada ururo badan oo ay dan u arki waayeen,kuwaso ugu danbayntii ay dhowaan isugu bahaysteen, sida la sheegay.
5. Ururka NUUR ayaa laftiisu ka mid noqday ururada aan aadka loogu hadal haynin makhaayadaha balse magacyadii ururadu ay ka buuxsameen, waxaana ururkani aanu weli gaadhin goboladii dalka oo dhan, waxa sida dadka qaar sheegeen markii hore loo furay in ururo kamid ah uruada la diiwaangeliyey uu dagaal siyaasadeed la galo, balse kharashkii wax lagu xaasidi lahaa ama siyaasad hoose lagula ciyaari laha ururada qaar ee lagu hawlgeli lahaa ayaa meesha ka baxay, sidaasna waxay ku noqdeen urur aan gobol keliya Tegin oo aan xafiis ka furan Karin.
LA SOCO Q2aad iyo 10ka Urur ee Hadhay Maalmaha Soo Socda………………………………..
Qalinkii : Qoraa / Weriye
Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)
Mustafeteacher@hotmail.com
Mustafe_480@hotmail.com
Magaalo_02@hotmail.com
Mob: 4411480 / 9300030