Madaxwaynuhu waa inoo meel mariyaa rabitaanka shicibka

Hargeysa-(Berberanews)-Somaaliland waxay maraysaa waqti adag, haseyeeshee iyadaa isgu wacan in ay maanta halkaa marayso, sababo dhowra owgeed. Ta kowaad, waxay ahayd in umada reer soomaaliland tabaabusho taam ah oo horleh ay arinkan maanta taagan hore ugu meel dhigtaan(Blue Print or Road Map). Tabaabushahaa oo ku dhisan talo qaran oo reer Soomaaliland oo dhami u dhan yihiin. Waxay ahay in ay talooyinkaasi ay ahaadaan talooyin ku qotoma dhowr xaaladood (different plans) oo marba tii haboon la qaato.
Calaa ayi xaal, taasi may dhicin, ee imika iyo haatan ayey talo inoo taalaa. Waa wax la soo dhaweeyo madaxwaynahu in uu talada dadka ka qaybgaliyo, ogoowow, shicibku iyagaa madaxwaynaha keenay. Markaa madaxwaynuhu waa inoo meel mariyaa rabitaanka shicibka ee aanu raacin waxa ay xukuumadiisu iyo wasiiradiisu doonayso. Taasina waa muhiim. Agendayaal badan iyo arimo badan oo aan hore loo maqal ayaa ka soo baxayaa shirka London, sida imika muuqatana wax garadka soomaaliland sida fiinta ayey uga qayliyeen sida wax u socdaan, xaqna way u leeyihiin in ay ka qayliyaan sida wax u socdaan.

Waxaan ku raacsanahay ra’yiyo badan oo umada reer somaaliland is waydaarsatay, taas oo ah in aynaan u tagin shirka si aynu u raali galino Ra’isal wasaaraha Ingriis iyo xulafadiisa inakoo qadiyadeeaa hoos u dhigayna, taasina yey marnaba dhicin, qof waliba dan ayuu leeyahay, hadii aanay dantaadu ku jirin waxa meesha ka socdaa iyo waxa Ingriis wado, caqliga saliimka ahi waxa uu ina siinayaa in aynaan isku tegin shirkaa. Caalamkii oo dhami markii ee Somalia ka soo quusteen ayaa la yidhi Ingriisow adigaa Soomalilaand garanayee, bal isku day oo shir qabo. Ingriiska macsuumadiisa hadii la qaatana waa in talo loo dhan yahay oo aan qarinimada iyo jiritaanka wadanka aan marnaba wax u dhimayn lagu tagaa si aadana looga fiirasadaa sida wax u socdaan. Dadka tegeyaana aanay noqon dawladoo kaliya, balse ay ka koobnaato wadankoo dhan, min beri ilaa galbeed, wax garadka, xukumadda, & axsaabta qaranka, waxaanaan ku talinlahaa in ay xitaa shirka ka baxaan hadii ay arkaan in shirka la afduubay ama la qaatay wado aan laysla ogayn.
Wa Bilaahi Tawfiiq;
Axmed Maxamed Saleebaan