SHALAY IYO MAANTA

Shalay Daahir Rayaale waxa uu Codka Shacabka kuwaayey, waxa ugu waaweynaa Sharcigii ( Distoorka) aynu dhiganay oo uu ixtiraami waayey, Musuq-maasuq dalka ku baahaay, Shaqaale Dawladeed oo dayacmay , Kaabayaashii Dhaqaalaha oo gabi ahaanba baa’bay, Cadaaladii oo faraha ka baxday, Beeshii Caalamka oo aynu go’doon ka galnay, Xataa Dhismihii ugu muhiimsanaa Dalka oo ah Madaxtooyada oo KHARAABAD isku bedeshey. Haddii aynu soo qaadano oo kaliya Dastoorka qodobkiisa 46 farqadiisa 4aad waxa uu odhanayaa Madaxweynuhu waa in uu Sanad walba marka uu dhamaado hortagaa Labada Gole Baarlamaan ee Qaranka si uu uga warbixiyo ; Siyaasadda, Barnaamijyada Dawladda, Dhaqaalaha, Xaaladda Lacageed & Xaaladda nabadgalyada. Haddaba , waxaynu ogayn 9 Sanno oo uu Daahir Rayaale hayey hogaanka Dalka waxaa uu Qodobkaa Dastuuriga ah fuliyey (1)hal mar waxaana uu jabiyey( 8 )Sideed jeer. Bal u fiirso akhriste, Madaxweynaha hadda Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo aan labadii Sanno u dhamaan waxa uu horyimid Labada Gole Baarlamaan (2 ) Laba Jeer isaga oo qadarin iyo ixtiraam u haya Sharciga Ummadu ay dhigatay. Waxaa kale oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo halkaa labada gole, shacabka iyo saxaafadaba ugu soo bandhigay buug ay ku duugan yihiin Waxqabadkii Sanadkii 2011 oo ah arimahaa sare aynu kusoo xusnay , islamarkaana Ka turjumaya Buugii Balan-qaadkii Xisbiga Kulmiye mudadii lagu guda jiray ololaha doorashadii madaxtooyada.
Qofka shaqaalaha ah marka hawl loo xilsaaro islamrkaana uu si wanaagsan u guto, kadib marka la qiimeeyo(performance) ga waxaa lasiiyaa ( Reward) abaalmarin, abaalmarintaasi laba waji ayay leedahay ta kowaad waa hasha wanaagsan ee uu qabtay , ta labaadna waa inuu kasii kordhiyo waxqabadka wanaagsan ee uu gutay, sidaa silamid ah , Masuuliyiinta aynu qaranka u dooranay ee Codka Shacabka ku yimi , markay waxqabad fiican layimaadaan ee ay waliba si wanaagsan oo(Transparency) ah ay shacabka ugu soo bandhigaan, waxaa waajib ah in loo qiro , laguna amaano.
Waxaynu sidoo kale ogayn sagaal (9) sanno oo uu Rayaale Dalka gacanta ku hayey kadib, cida Isbedelka Hormoodka u ahayd ee Shacabka usoo gudbin jirtay Fadhiidnimadii Maamulkii Rayaale waxay ahayd Saxaafada Madaxbanaan sida Wargeysyada iyo Televisionada . waxaase Nasiib- darro ah in maanta Televisionka HCTV uu noqday mid illooway Halgankii uu usoo galey Dawlad-wanaaga islamarkaana waxaa wax lala yaabo ah in HCTV uu noqday mid u addeega Cadawga Somaliland , waxaan leeyahay Tafatiraha iyo Gudoomiyaha guud ee Tv ga , Xilku waa meerto , marka xil aad qaranka u haysay lagaa bedelo, haddii aad ficil qaadato , Qaranimada dumi ma’aha. Hadii aad mabda ama fikir kale aaminsantahay , oo laguu xidhay ,kadibna lagu cafiyey, ummadaada waxyee laga wanaagsan. Qaranimadda Somaliland Tv wax buunbuuniya iyo Shirbeeledyo dhagar qabayaal ay dabada kawadaan midna wax ma yeeli karo. Saxaafadda Somaliland 99% waa muwaadiniin, waanan idinku hambalyeynayaa haddii aad tihiin Jaraaidka, Television nada iyo website ka sidaad mar walba heegan ka ugu tihiin in aad ummada usoo gudbisaan wararka xaqiiqda ku salaysan, iyo sidaad mar walba illaalinta qaranamada Somaliland heeganka ugu tihiin, waxana la idinka baahan yahay in marxaladan la marayo oo ah mid Cadawga Somaliland usoo xadhka xidhay carqaladaynta Somaliland iyo kala fogaynta bulshada Somaliland ee walaalaha ah inaad ka qaadataan kaalintiinii wadaninimo, Xukuumadana waxaan ka Codsanayaa inay Sii dayso Xubnaha saxaafada ka tirsan ee ay manta xidh-xidhay.
Waxaa Qarankan Somaliland hore usoo mareen oo aan inagu cusbayn dhacdooyin lamida ama u dhaw xaaladan taleex wakhtigan xaadirka ah ka taagan, kadib dagaalaa dhacay oo dhiig-badani ku daatay, , magaalooyin dhan ayaa laga qaxay, Caasimadii Hargeysa ayaa haawatay, haddana waa laga heshiiyey oo nabadii iyo waan-waantii markii hore lagaran waayey ayaa gadaal ka macaanaatay. Haddii ay sheekadu timaad QARANIMADA IYOJIRITAANKA MUQADASKA AH. Dagaal waa ina daan-wayne.
Walaalahayo Reer Laascaanood na waxaan leeyahay wixii aad 20 Sanno soo dhisayseen ee aan cidna laga sheegan , ee lawada leeyahay, kuwa idinka majaraha habaaninaya ee SH SHARIF oo Madaxtooyada FILA-SOMALIYA go’doon ku ah idinku wada ee idinla doonaya inaad halkaa kula Banjartaan Shariif/shaydaanka Inaad ka fiirsataan waa mid muhiimad wayn idiin leh.
Shacabkana waxaan odhan lahaa, maanta Midnimo ayaa loo baahan yahay, Wadajir iyo in Cadawga Shisheeye , ee soo adeegsaday wax-magaratada daabkeenu uu kujiro in aynu si wada jir ah uga hortagno inaga oo isla garabtaagayna HIIL IYO HOO Xukuumadeena aynu u igmanay illaalinta qaranimada dalka .
Asxaabta Mucaaridka ee sharciyeysana ,maanta waa maalin Qaran , waa maalin Midnimo , waa maalin weerarka cadawga shisheeye inagu soo qaaday loo baahan yahay inaynu u midowno, waxaan mahad u celinaya Mudane Faysal Cali Waraabe oo ay ka soo baxday haddalo qiimo leh oo lagu diirsaday , faysal waxa uu ku caan baxay inuu yahay Allaa waxbad-baadiyee “ BADBAADIYAHA QARANIMADA SOMALILAND” maanta waxaan Faysal leeyahay waa maalintaadii. Xildhibaanada shalay uu hoos dhigay Tvga HCTV makarafoonka ee iyadda oo ay Xaalad Qaran taagan tahay Mucaaridnimo gudaheena ah iyo cidnacaybsi raqiisa ummadda dhagaha kaga wasakheeyey waxaan idin leeyahay HABEEN-MAYDAAN JIRIN.
Waxaan kusoo gunanadayaa MIDNIMO iyo WADAJIR aynu qaranimadeena ku illaashano .
Wabillahi tawfiq
C/rasaaq Sh Cali Askar
Hargeysa, Somaliland