BAYAAMIN MUSHARAXNIMO

Anigoo ah Cali Cabdi Maxamed (Dheere), waxaan rabaa inaan umada reer Somaliland halkan uga cadeeyo inaan ahay musharax u tartami doona jagada xildhibaanimo ee golaha deegaanka Degmada Berbera. Waxa ii muuqatay fursad maadama oo dhalinyaradii inta badan laga hortaagnaa inay ka muuqdaan saaxada siyaasada loo ogolaaday inay hankooda siyaasadeed muujin karaan dalkooda iyo dadkooda waxna ku soo kordhin karaan, iyada oo aan taa uga mahad celinaymadaxweynaha jamhuuriyada Somaliland go’aanka geesinimada leh ee uu ku ogolaaday in dhalinyaradu ka qayb qaadato, go’aan kaas oo noqon doona wax weyn oo lagu xusuusan doona madaxweynaha. waxaan jeclaystay reerkayguna ii ogolaadeen inaan isu soo taago kana mid noqdo doorashada la filayo inay dalkeena ka qabsoonto sanadkankan bishiisha afraad musharixiinta golaha deegaanka degmada Berbera.
Sidaynu la wada socono dalkeenu marxalado badan ayuu soo maray in badana siyaasada waxa ka takoornaa dhalinyarada oo aan loo ogolayn inay muujiyaan hankooda siyaasadeed, waxaynu ka dheregsanahay inay noqon waayeen goloyaashii deegaanka ee aynu dooranay sidii aynu ka filaynay sidaa daraadeed waxaan is tusay iina muuqatay inay ii banaantahay fursad aan dalkayga iyo dadkayga wax ugu qaban karo, waxaanan odhan lahaa maadaama oo aynu aragnay dadkii waaweynaa ee aynu u dhiibanay goloyaashii deegaanka inay hawshii loo igmaday ka soo bixi kari waayeen in bal la eego dhalinyarada oo aan aad ugu kalsoonahay inay yihiin muwaadiniin ka soo baxaya shaqada una hamuun qaba inay dalka wax u qabtaan.
Waxaan ku soo gebo gebaynayaa oo aan taageerayaashayda ku wagelinayaa inay ina sugayso hawl culus oo u baahan miisaankeeda iyo dedaalkeedaba loona baahan yahay in aynu xil iyo masuuliyad iska saarno.
Ccdheere93@hotmail.com
Cali Cabdi Maxamed
Berbera, Somaliland.