XOG-HAYIHII HORE EE DAWLADA HOOSE EE BURCO OO KIISKIISII DHAMAADAY DENBINA LAGU WAAYEY WELINA XABSIGA KU JIRA



Arrinta la yaabka lihi waa in Muwaadiniinta JSL lagu xidho muhmal iyo mala’awaal! Marka danbi lagu waayana haddana xidhigu uu halkiisii ka sii socdo
Marka hore waxa aan salaan aan la soo koobi Karin u dirayaa dhamaanba bahwaynta saxaafada ee aan ka daalin in ay bulshada u soo tebiyaan dhacdooyinka xaqiiqda ah ee ka dhacaya guud ahaan adduunka iyo gaar ahaan dalkeena JSL.
Haddii aan ku soo dhawaado u jeeddada aan qalinka u qaatay ee aan cinwaanka uga dhigay “XOG-HAYIHII HORE EE DAWLADA HOOSE EE BURCO OO KIISKIISII DHAMAADAY DENBINA LAGU WAAYEY WELINA XABSIGA KU JIRA”. Waxa aan jeclaystay in aan bulsho waynta Somaliland gaar ahaan kuwooda caddaalada iyo horumarka jecel u soo bandhigo dhacdo iga yaabisay oo 24/12/2011 ka dhacday maxkamada gobolka Togdheer.
 Cabdiraxmaan Maxamuud xassan waa xoghayahaa xidhane waxa uu in muddo ahba ku xidhnaa xabsiga magaalada Burco iyada oo muddo ku siman afar bilood aan maxkamad la horkeenin balse wakhtigaa kadib waxa bilaabmay maxkamadii oo iyaduna qaadatay muddo kusiman dhowr bilood, iyada oo kiis kii mala awaalka ku dhisnaa uu aad u jiitamay oo marwalba lagu marmarsoonayo garsoorkii baa tababar ku maqan iyo wixii la halmaala iyo waxaan dhaamin.
Balse arrinta la yaabka lihi waxa ay dhacday shalay oo ay taariikhdu ahayd 24/12/2011 oo ay Maxkamadu go’aan ka gaadhay kiiskii iyada oo uu u dhacay in C/raxmaan maxamuud xasan xoghayihii hore ee dowlada hoose bilaa denbi yahay oo isla markaana la sii daayo. Balse haddana weli Cabdiraxmaan waa xidhan yahay. CAJAB! Markaa waxa ay bulshadu iswaydiinaysaa u jeedada ay xukuumadu ka leedahay Muwaadinkan. Waxa muuqatay in Xukuumadda siilaanyo ay masuuliyiinta ku xidhxidho warar mala awaala iyo ku tiri kuteen oo ay dadka qaarkii ku sheekeeyaan suuqa dhexdiisa. Waa layaab in masuul dawladeed la iska xidho iyada oo aanu wax denbi ah gelin isla markaana uu xidhnaado muddo aad u dheer. Kale oo kasii darán in marka denbi lagu waayo haddana uu jeelka qofkii ku sii jiro.
GUNTII IYO GABAGABADII XUKUUMADDA WAXA LOOGA FADHIYAA INAY KA HOWL GASHO SII MUWAADINKAA LOOGU SOO CELIN LAHAA XORIYADIISII IYO SHARAFTIISII!!!! Wixii uu Xaq u leeyahayna loo marin lahaa!!!
Bulshada iyo bahweynta saxaafaddana waxaan kula dardaarmayaa in aynu ka hadalno oo saxno isla markaana tilmaano khaladaadka xukuumada aynu soo dooranay sido kalena aynu wax ka barano si aynu uga fiirsano xiliyada doorashooyinka cidda aynu dooranayno. WAAYO! Uma baahnin Aargoosi siyaasadeed, Hebel Jeclaysi iyo Hebel Necbaysitoona.
WABILLAAHI TAWFIIQ
Guul & Gobanimo……..
 
Pro. Axmed Cali jaamac (aaj)
dr.abdirahman faqaatiir
CAQIL. SALEBAN IBRAHIM
INGINEER.MAHAMED SAEED MAHAMED
Burco somaliland
Email: ahmed.jama@hotmail.com