Hambalyo Musharaxnimada Mudane Jamal Cali Xussen ee Xisbiga UDUB.

Marka hore salaam sharaf badan waxa aynu hambalyo u diraynaa dhamaan umadda Somaliland meekasta oo ay joogaan, waxaan kaloo hamablyo u diraynaa Umadda bahwadaaga ee Xisbiga UDUB .
Sida aad dhamaan la wada socotaan Xisbiga UDUB waa xisbigii Udub dhaxaadka Somaliland markaa waxaa loo baahan yahay in uu xisbiga yeesho hogaamiye aqoon iyo waayo aragnimo leh mid maamul iyo mid siyaasadeed leh, Islamarkaana waxaa aad u fiican in la helo waji cusub oo runtii ka iibsami kara dadwaynaha Somaliland.
Markii aanu eeknay dhamaan musharaxiinta ku tartamaya jagadaasi in ay yihiin dhamaan xubnihii xilalkala duwan ka soo qabtay Dowaldii UDUB. Sidaas darted loo baahan yahay wajiyo cusub oo qabta hogaanka Xisbiga UDUB si loo miro dhaliyo guusaha Xisbiga iyo guud ahaan guusha Somaliland.
Sidaas darted, hadii aanu nahay dadwaynaha taageera Xisbiga UDUB ee dagan wadanka Ingriiska, waxa aynu si fiican u soo dhawaynaynaa uguna hambalyayanaynaa Musharaxa Gudoomiyaha cusub ee Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga UDUB, waxa aynu si sharaf leh kaga codsanayanaa dhamaan xildhibanada golaha dhaxe ee UDUB in ay soo dhawayeen Musharaaxsi kaasi oo waxwayn ku soo kordin kara Xisbiga UDUB iyo Wadanka Somaliland.
Jaaliyada Xisbiga UDUB ee UK
London
Ahmed Ibrahim