JAMAAL WUU U QALMAA HOGGAAMIYE, UDUB-NA WAA XISBI JIRA.

Maalmihii u danbeeyey arrimaha sida wayn loogu hadalhaynta badnaa goobaha fadhi-ku-dirirka iyo saxaafaddaba waxa ka mid, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, oo ka badheedhay inuu u tartami jagada musharaxnimada madaxnimada Somaliland ee Xisbiga UDUB.
Dadku way ku kala gedisnaayeen falaqaynta badheedhaha Aqoonyahan Jamaal C. Xuseen. Qaarkood waxay la yaabanaayeen inuu Jamaal UDUB iska soo sharraxo caddeeyana UDUB-nimadiisa. Kuwo kale waxay leeyihiin maadaama uu Jamaal maamule ka ahaa mid kamid ah Baananka aduunka ugu caansan oo ah CITY BANK, muxuu ka soo doontay wadankan yar ee rafaadsan ee ku yaal geeska Afrika.
Kuwo kale oo badan ayaa si wayn u hambalyeynayay hadalkan kasoo baxay aqoonyahankooda, ee ah inuu usoo xadhko xidhay hogaaminta dalkiisa hooyo iyo dadkiisa uu jecelyahay ee wadada badhaadhaha iyo horumarinta, isagoo ka doortay keligii inuu ku raaxaysto kumanaanka dollar ee ugu shaqeeyo baan ajaanib ah, inuu dadaal iyo goaan adkaan ugu shaqeeyo wadankiisa hooyo (Somaliland) oo kamid ah wadamada aduunka ugu nolosha hooseeya.
Haddaba, hadaan ka dhiibto fekerkayga, arrinta ku aaddan go,aanka Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ee musharaxnimada madaxnimada Somaliland.
Aan ku bileeebee, ugu horrayn dad badan ayaa la yaabay, in Jamala Cali Xuseen ku biiro UDUB. Sababtoo ah waxay UDUB u arkayaan sidii ururyar oo Jamaal aan u qalmin. Waxaan leeyahay waa run oo Jamaal waa aqoonyahan aad u hanwayntihiin.
Laakiin, UDUB maaha ururyar oo la odhankaro hebel uma qalmo. Waan xisbigii ugu horeeyey ee Somaliland lagaga dhawaaqay, sida Jamaal –ba sheegay. Sidoo kale waa xisbi ay hoggaankiisu ku ammaananyihiin iskana leeyihiin guusha qaranimda Somaliland. Tusaale ahaan C/raxmaan Tuur, Maxamed I Cigaal, Daahir Rayaale ayaa dhammaantood ah raggi dhexda u xidhay inay Somaliland gaadho halkaa wanaagsan ee ay maanta marayso.
Haa way dhaccdaa in urur ay aasaasan rag karaamo lehi, ay uga danbeeyaan, kuwo karaama dila. Nasiib wanaagse UDUB ilaa maanta waxa hogaanka haya rag karaamada iyo wanaagga jecel. Taa waxa tusaale kuugu filan madaxweynaha maanta Somaliland hogaamiye Axmed Siilaanyo, waxa jiray boqolaal nin oo siwayn ugula soo halgamay inuu kursiga helo, haddana afar-tii xil ee ugu waawaynaa xilalka cusub ama isbedelada uu ku sameeyey dawladiisa, wuxuu saddex ka mid ah kasoo xushay lafdhabartii UDUB, ( Saqadhi, Cali Xoor, Xasan Macallin,..).
Taasi waxay ku tusaysaa inay UDUB ka buuxaan una badantahay haldoorka aan sinaba looga maarmin hogaanka qaranka Somaliland. Waana ta keentay in madaxweyne Siilaanyo iska indhotiro kuwii lasoo dedaalay, uuna doorto haldoorka UDUB, sida uu madaxweynuhuba ku sheego digreetada uu ku magacaabo marka uu ku qanco kartidooda shaqo.
Aan UDUB intaa kaga baxee. Dhanka kale waxaan leeyahay Jamaal Cali Xuseen waa nin u qalma hogaanka UDUB iyo Somaliland. Waa aqoonyahan dedaal badan, isla markaana leh lexejaclo ku aadan wadankiisa hooyo.
Waa nin wax kusoo bartay jaamcadaha aduunka ugu caansan, kana soo shaqeeyey shaqooyin badan oo adag oo u noqday tababar dhankasta. Ku darsoo waa nin ku xeeldheer culuumta dhaqaalaha, waana nin Somaliland wadi kara dunida saddexdaad ilaa koowaad.
Aan soo koobo qoraalkee, waxaan leeyahay UDUB waa xisbi jira, Jamaal Cali Xuseenna waa nin u qalma jagada hogaanka xisbiga iyo Somaliland-ba. Waana fursaddii ugu waynayd ee Somaliland soo marta dhanka kala doorashada hoggaamiyeyaasha.
Cabdirisaaq Cabdilaahi,
Berbera,
Cabdirisaaq_007@hotmail.com