Warqad ku socota Badhasaabka gobolka saaxil Mudane Ramaax.

Ka: Caawale Cabi

 Asc Mudene marka hore.

Warqaddani waa 2 qaybood.

Qaybta hore waa wax yara tus.

Qaybta  ugu denbeysana waa suàal ama 2 suàalood oo aan kuu waydiinayo, suaalahani maaha qaar shaqsiyeed oo adiga gaar kuu ah Ramaax ahaan, ee  waa suàalo aan ku weydiinayo waayo masuulnimada aad umadda uhayso, kana dhashay beryahan danbe buuqaq ka soo yeedhaya gobolka saaxil & beel weynta CIISE MUUSE.

Xujadaydu waxa weeye inaad kasoo jawaabto suàalahan adigoon u arkin qaar aan adiga kugu durayo balse ay yihiin qaar dad badan wax u iftiimanaya.

haddii aad Mudene kasoo jawaabi weydo, waxaa sii kobcaya wixii lagaga hadlayey shirkii jarii`d kii Berbera ay ku qabteen guddidii lagu doortay shirkii dubur ee dan & duco ama  duco & dedaal, ujeedadiisuna ahayd horumarinta gobolka saaxil oo keliya.

Wax tus.

Horta aan i dhaahdo. “Nin xil qaaday eed qaad“:

Mudene ay dadku doorteen waxaa loo doorto keliya, waa in u adeega dadkiisa & dalkiisa oo keliya.

Macneheedu waxaa weeye in Mudenuhu dhego dhaadheer & kuwo gaagaaban uu ku dhegaysto waxa dadkii doortay ama xilka uu uhayaa ay doonayaan haddii aanay ahayn wax suurta gal ahna waxay tahay inuu ka qanciyo suàalahaasi dadku weydiinayaan isagoo dersaya, ka baaraan degeya, lafaguraya waxay bulshudu doonayso ama aydoonayso.

Mudene loo doortay waxaa loo doortay inuu ka shaqeeyo horumarinta & adeegga bulshada, hadday noqoto arimaha caafimaadka, waxbarashad, dhaqaalaha & dhisidda bulshada dooratay dhinackasta.

 Mudene loo doortay waa inuu ahaado qof dulqaad badan oo u dulqaata umaddiisa & dalkiisa.

Mudene loo doortay waa inuu u tanaasulo waxyaabo badan.

Mudene la dooratay waa inuu ahaado mid goàan adag leh, qaraaradiisana aanay wax mugdiyi kujirin.

Mudene loo doortay haddii aanu qabin karin intaa aan soo magacaabay & wax kabadanba waa inuu si sharaf ah xilka uga degaa.

Mudene loo doortay waa inuu ahaato mid miiska ugaaraca markay noqoto waxa bulshadiisu xaqa ay uleedahay

Mudene loo doortay waa inuu ahaado nabaddoonka & xidhiidhiyaha bulshadii dooratay, kuway deriska yihiin & dawladda waddanka xukuntaba.

Mudene loo doortay waa inuu ahaado mid ka horeeya dadka, keenana talooyin kusaabsan horumarinta gobolkiisa. Uuna ahaado mid waxka dhegaysta bulshadiisa halku ugu hoosaysa ilaa halkka ugu saraysa, wixii fikrado loo soo bandhigana uqaata shaqo gurri, xafiiskiisa la taga kala shaandheeya wixii macquulana ka qaato, wixii kalene halkeeda ku dhaafo.

Suàalahii:

  • Miyaad Mudene Ramaax ka soo horjeeddaa horumarka gobolka saaxil dhinackasta? adigoo weliba daalacanaya horumarka ay gaadheen gobolada kale JSL. Ku waasi oo ay gaadhsiiyeen horumarkaa badhasaabyo adiga kula midihi?
  • Haddii aanad kasoo horjeedin maxaad Jaamacaddii celmiga badda ee magaalada Berbera u xidhay?
  • Maxaad Mudene Ramaax markasta ay gobolka saaxil baddiisu kacsantahay aad mawjadaha uga mukhuurataa eed uga hadliweydii saxaafadda adiga oo adiguna dhiibanaya waxaad aaminsantahay adigoo ku hadlaya magaca badhasaabka gobolka saaxil iskana moosaya eedaha Mudene markasta lagugu soo xaadhayo?

Guul & horumar Eebbe hagaadhsiiyo gobolka saaxil & dhammaan gobolada JSL

Awaale Aabi

Norway

awaaale@hotmail.com

kolkaad akhrisato warqaddan jawaabteeda aadna jawaabta noogu soo hagaajinto meel kasta media da JSL ka mid ah mareegta berberaews.com ha ahaato ama meelkaleba ha ahaatee. Beesha CM ee debadaha joogt haddaana nahay jawaab ayaan kaaga fadhinaa

Mudene Ilaahay hakula qabto hakuuna fududeeyo wixii la xidhiidha xilkan culus ee aad umadda uhayso.
hostgator coupon