Waxa Hubaal Inuu Codowga Kowaad Ee Nabad Somaliland Yahay Dadka Oo Lagu Qaybiyo Urur Diimeed Iyo Qabyaaladeed

Sida laga wada war qabo todobaad waxa Hargeysa ka soo baxay dhawaaq mucjiso ku noqday Qof kasta oo uu damiirkiisu nool yahay.
Sidii ka dhacday Somalia ama Muqdisho oo kale, waxa Hargeisa lagu qabtay kulan ay siro yar oo koobani ku sheegteen in ay Islaam yihiin oo ay iyaga oo keli ahi Illaahay iyo Diintiisa u daacad yihiin.
Kooxdani waxay ku dhawaaqeen in ay yihiin Xisbi la magac baxay Xisbulaahi.
Waxaana laga wada war qabaa waxa ka dhacaya Somalia ee ay hormoodka ka yihiin Kooxda la baxday Alshabaab kuwaas oo markii hore la ogaa in ay soo mareen Taduwir ah mar ay degenaayeen, mar ay Dadka khaldeen oo la rumeysan gaadhay in ay nasteex yihiin aakhirkiina Muqdisho iyo Somalia baday halka ay maanta yaaleen ee Barakaca, Dhimashada, Qaxoontiga, Gaajada, Macaluusha iyo Aayo la’aanta.
Hargeisa, ninka maanta ka dhex yidhi “Anigaa keligey ama Wakiil ka ah Muslinka sow ujeedadiisu maaha in uu Shacbigan Somaliland u kala qaybiyo Kooxo Diimeed iyo Kooxo Qabyaaladeed oo uu sida Muqdisho oo kale bado.
Illaahay inagama yeelee Xukuumaddeena miyaanay arkaynin waxa ay Ninkani iyo Kooxdiisuba soo wadaan ee deriskooda ka dhacaya.
Shacbiga Somaliland iyo Xukuumaddaba waxa aan ku baraarujinayaa in ay inta ay goori goori tahay iska qabtaan.
Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Daarood markii uu Laba Nin ahaa, ayuu qabasho lahaa”.
Shacabka Somaliland waxa aan leedahay ka feejinaada oo iska ilaaliya dadka kolba shaadhka idin soo xidhanaya ee doonaya in ay ku fushadaan ujeeddooyinka iyo danaha ay leeyihiin, waxaanan idin kula taliyaa in aad nabad gelyadiina u ilaashadaan sidii aad horeba ugu ilaashan jirteen.
Barkhad Axmed Jaamac