Dufcadii Koowaad ee ka Qalin jabisa Jaamacadda Addis Ababa Medical College iyo magacyadda ardayda kaalmaha hore gashay

Hargeysa-(Berberanews/caafimaadka)–Dufcadii koowaad ee ka qalin jabisa Jaamacadda Addis Ababa Medical College ee Magaalada Hargeisa ayaa Jimcihii 04/November 2011 Xaflad loogu qabtay Hotel Crown ee Magaalada Hargeisa.

Munaasabada Qalinjabinta Ardayda ayaa waxaa ka soo qayb galay, Madaxwayne ku Xigeenkii hore ee somaliland Cabdiraxman Aw Cali Faarax, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxman Cirro, Wasiirka Caafimaadka Xuseen Xoog, Gudoomiyaha Guud ee Jaamacadda Addis ababa Medical College Habtemo gabisa, Safiirka Ethopia u fadhiya Somaliland Ato taye, Maamulka Jaamacadda iyo Ardayda Jaamacaddaasi. 

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxman Maxamed C/laahi (Cirro) oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa Hambalyo u diray Dufcadda koowaad ee ka qalin jabisay Jaamacadda isaga oo ku Hambalyeeyay Dadaalka iyo samirka ay muujiyeen intii ay jaamacadda ku jireen, gudoomiyuhu waxa uu ku dheeraaday qiimaha ay Aqoontu leedahay, isaga oo xusay in aan Cilmi dhamaanin, lagana waynaanin, waxa kale oo sheegay in Diinta islaamku ina amrayso in cilmiga la wado ilaa inta laga dhimanayo.

C/raxman Cirro waxa uu sheegay in Baahiyaha ugu Waawayn ee Somaliland haysta ay kow ka tahay Caafimaadku, sidaa awgeed waxa uu ku Waaniyay ardayda soo baxaysaa in ay daboolaan baahiyahaasi, wax wayna ku soo kordhiyaan bulshada.

DSC07134
Dr.Axmed Cali Maxamed oo ka mid ahaa Ardaydii ka qalin jabisay Jaamacadda oo ku hadlayay Magaca Ardayda, ayaa umahadnaqay Macalimiintii Jaamacadda ee Wax soo baray iyo kaalintii ay ku lahaayeen Dadaalkooda, waxa kale oo uu sheegay in Maadada ay Barteen tahay Maado qaaliya (public Health) oo loo Doonan jiray Dibadaha , taasi ay kaga nasiib badanyihiin Arday badan oo Masaafo u gashay.

DSC07130

Dr.Axmed Cali Waxa uu Balan qaaday in ay Wadaniyad Muujin doonaan, wixii ay barteena uga Faa,iidayn doonaan Dadkooda iyo dalkooda hooyo, isaga oo xusay inay diyaar uyihiin inay ka shaqeeyaan Cusbitaalka Guud iyo dhamaan Gobolada Dalka, Wasaaradda Caafimaadkana Kaalin wayn ka dabooli doonaan.

DSC07116
Cafno Asmara oo ka mid ahaa Macalimiinta Jaamacadda ayaa isagu waano Dheer u jeediyay ardaydii qalinjabisay, isaga oo kula dardaraamay inay Dadka si siman oo daacadnimo ku dheehantahay u daawayn doonaan, in ay Cusbitaalada Somaliland ka hawl gali doonaan, cid kasta oo ka mid ah Bulshada somaliland oo baahana garab istaagi doonaan, waxaa iyana Dhinacooda ka balan qaaday ardaydii halkaasi ka qalin jibisay in ay Waanada Macalinkooda ka midho dhalin doonaan.

DSC07072
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr.Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) ayaa isagu Hambalyeeyay Dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisay Jaamacadda Caafimaadka ee Addis ababa Medical College, waxaana uu sheegay in Jaamacaddani ay ka mid tahay kuwa ay Wasaaradda Caafimaadku Aqoonsantahay, isaga oo sheegay in wakhtigii hore ay u diideen inay aqoonsadaan balse markay Cadayn Buuxda keeneen Si toos ah Wasaaradu u Aqoonsatay, isaga oo ka digay Jaamacadaha iyo Dugsiyada aanay Wasaaradu Aqoonsanayn in aanay isku daalin ardayda Reer somaliland ee wax ka baranaysa.

DSC07071

Wasiirku waxa uu sheegay in Jaamacaddu ay Casharada Practical-ka ah ay Cusbitaalka dawlada ku qaataan, waxaana uu kula dardaarmay in ay Dalka ka shaqeeyaan, isaga oo xusay in Mushkilahadaha Caafimaad ee ugu badani ay inaga haysta ay ugu wayntahay Caafimaadka Bulshadda (Public Health).

DSC07066

Wasiirku waxa uu usoo jeedayay Ardayda Qalin jabisay in Cilmi Faa,iido badan ay Barteen isla markaana ay uga Faa,iidayn doonaa Bulshada Reer somaliland, kaalin muglehana ka qaadan doonaan Wasaaradda Caafimaadka iyo Guud ahaan Heerka Caafimaadka somaliland.

DSC07101

Waxa uu aad ugu dheeraaday in ay ardaydaasi ay Bukaanka illaaliyaan,oo ay Hiil u noqdaan wasaarada Caafimaadka, waxa kale oo uu aad u hambalyeeyay Ardaydii ugu Saraysay Jaamacadda oo Gabadh ah, taasi oo uu tilmaamay Dadaalka ay muujiyeen Habluhu doorkan guud ahaan Waxbarashada Dalka,isaga oo Ku amaanay inay Lafdhabar u yihiin Bulshada , Dadaalkoodana Halkaasi ka sii wadaan.

Gudoomiyaha Guud ee Jaamacaddaha Addis ababa Medical College Mr.Habtemo gabisa iyo Safiirka itoobiya u Fadhiya Somaliland mr. Taye ayaa Hambalyo u diray Arday Maanta ka qalin jabisay Jaamacadda, iyaga oo ku dheeraaday Xidhiidhka ka dhexeeya Jaamacadda iyo xukuumadda Ethopia iyo Kaalinta ay ku soo kordhin karto Heerka Waxbarasho ee Dalka somaliland, iyaga oo ku dheeraaday in ay Dadaal badan u galeen sidii ay Qayb uga qaadan lahaayeen Baahiyaha Caafimaad ee somaliland.

Dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa jaamacaddan oo ka koobnayd 14-arday ayaa waxaa kaalinta koowaad ka galay:

1. Nawal Muumin Diiriye (Hargeisa)
2. Axmed Shucayb Maxamed (Gobolka Saaxil)
3. Axmed Cali Maxamed Gabiley

Wasiirka Caafimaadka somaliland iyo Mujaahid Axmed Aw Cali Faarax ayaa Bilad Dahab ah gudoonsiiyay Ardaydii ugu Saraysay Jaamacadda.

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com