Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ka digtay  xannuun dilaa ah

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxda sare ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Guddida Heer Qaran ee Xaaladaha Caafimaadka Degdega ah (Emergency Team), ayaa ku dhawaaqday, isla markaana digniin culus ka soo saartay xannuunka xummadda dilaaga ah ee ka dhasha qaniinyada kaneecada oo ka dillaacay guud ahaan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Halkan ka akhri tilmaamo caafimaad iyo digniin Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ka soo saartay maanta xannuunka xummadda ee dalka lagu arkay haatan.
SIYAASADDA:
Siyaasadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Caafimaadka Bulshada.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL
waxay dawladda ugu igman tahay:-

●Kor-u-qaadka daryeelka caafimaadka bulshada Somaliland (Health promotion).
●Ka-hortagga cudurrada (prevention of Disease).
●Xoojinta waciyiga caafimaadka ee bulshada.

Xaaladda degdegga ah ee xummadda hadda taagan:
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxay bulshada la wadaagaysaa xaaladda xannuunka xummadda ee hadda taagan:

● Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxay baahisay in xummad ka dillaacday waddanka.
● Xannuunkaas waxa laga soo sheegay dhammaan gobollada dalka oo dhan.
● WHC, waxay bulshada hore ugu sheegtay in ay baadhayso xannuunkan.
● WHC, iyada oo adeegsanaysa khibradda aqooneed iyo qalabka xannuunada lagu baadho.
Waxa u soo baxay:
1) In uu jiro xannuun dillaac xummadeed.
2) In xannuunkani ka mid yahay xannuunada ay fidiso kaneecadu.
3)  in xannuunkani yahay xannuun hore uga jiray dhammaan dalalka aynu jaarka nahay iyo adduunkaba.

Astaamaha lagu garto xannuunkan xummadda
waxa ka mid ah:-
●Xummad aad u sarraysa (high grade fever)
● Yalaalugo iyo hunqaaco (nausea and vomiting)
●Furuurc/ finan Skin Rash.
●Dhabar-xannuun iyo indhaha godkooda oo xannuuna
●Cuno-xannuun (Sore throat).

Xaaladaha culus:-
●Calool-xannuun (abdominal pain)
●Hunqaaco joogto ah (persistent vomiting)
●Baaxaa-deg iyo awood-darro (lethargy and restlessness)
●Beerka oo barara (liver enlargement).

Siyaabaha lagaga hortago ama lagu yareeyo faafinta cudurka waxa ka mid ah:-

WACYIGELINTA DADWAYNAHA.
●In dadka si joogto ah loo wacigeliyo.
●In la isticmaalo marakaneecooyin (use mosquito nets)
● In guryaha, goobaha biyo fadhiisinka ah iyo dhirtaba laga buufiyo kaneecada (applications of pesticides)
● In la ururidhamaanmmaan qashinka, siiba caagaga iyo taayirrada gawaadhida ee biyo qabatinka ah.
●  In la buufiyo meelaha biyo-fadhiisinka (SS Spary of stagnant waters wear mosquito repellent.
●Kaymaha iyo dhirta in laga fogaado (Stay-wey of tell grasses and pushes)
●In la xidho dhar adag oo dhaadheer xilliyada maalintii oo ah xilliga ay kaneecadani dadka qaniinto (Wear long pants and sleeves).”

Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.