WHO oo ka digtay khatar caafimaad oo Afrika wajahayso

Afrika-(Berberanews)-Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digaysa in Afrika ay wajaheyso khatarta sii kordheysa ee cudurrada ka dillaaca xoolaha iyo dadka.

Waxay sheegtay in faafitaannada zoonotic-ka ay kordheen in ka badan 60% tobankii sano ee la soo dhaafay iyada oo koror ballaaran la duubay tan iyo 2019.

Kiisaska intooda badan waxay ku lug lahaayeen fayraska Ebola, cudurrada kale ee dhiigbaxa fayraska, qandhada dengue, kudka iyo busbuska.

Agaasimaha gobolka ee WHO ee Afrika Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in loo baahan yahay in hadda wax laga qabto si loo joojiyo Afrika inay noqoto meel ay ku badan yihiin cudurrada faafa.

WHO ayaa sheegtay in sababaha ka dambeeya faafitaanka cudurradan ay ka mid yihiin korodhka degdegga ah ee dadka, korodhka baahida cunnada ka soo baxda xoolaha iyo ku xadgudubka deegaannada duurjoogta.