Taiwan oo kooxo caafimaad u soo dirtay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)-“Maanta waxa aan Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee Taiwan sagootin ugu sameeyey dhakhaatiir iyo hawl-wadeenno caafimaad oo ka socda Jaamacadda TMU iyo Cusbitaalka Wanfang. Dhakhaatiirtani waxa ay si toos ah uga hawlgali doonaan Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Hawl-wadeennadan caafimaad waxa ay hordhac u yihiin dhakhaatiir si rasmi ah dhowaan uga hawl-gali doonta Somaliland. Waxa ay adeeg caafimaad si bilaash ah ugu fidin doonaan shacabka u baahan daryeel caafimaad.

Sidoo kale, waxa ay xog ururin ku sameyn doonaan baahida caafimaad ee waddanka taal. Intaa kadib waxa beddeli doona dhakhaatiir Taiwanese ah oo si rasmi ah uga hawl-gali doonta cisbitaallada dalka Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan oo caasimadda Typei ka soo sagootiyey dhakhaatiirta ka hawlgeli doona Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.