Maxaad ka ogtahay Xumadda Dengue (dengue Fever).?

Xumadda Dengue (dengue Fever) oo sida oo kale loo yaqaanno xumadda ‘Lafa jebinta’ waxa cudur uu dhaliyo fayraska Dengi (Dengue) oo ka dillaaca dhulka kulaalaha ah ama kulaalaha xiga, waxaana gudbisa kaneecada.

Fayraska Dengi marka uu qofka ku dhaco afar illaa 10 maalmood gudahood ayaa uu ku soo ridaa, laakiin malaha calaamado cad oo lagu garto, sidaas awgeed marar badan waxaa lagu qaldaa xanuunno kale oo uu hargabku ugu badan yahay.
Si kastaba ha ahaato ee calaamadihiisa waxaa ka mid ah xummad daran oo illaa 40 Digrii gaadha, madax xanuun, kaar iyo xanuun ku dhaca muruqyada, Lafaha iyo xaglaha, yalaalugo, matag, indhaha oo dhabarka dambe ee gudaha ka xanuuna, qanjaha oo barara, iyo maqaarka oo gubta (Madoobaado).

Dadka badankoodu xanuunkan toddobaad gudihii ayaa ay kaga bogsadaan, laakiin xaaladaha qaar ayaa uu xumaadaa khatarna ku yahay nolosha Bukaanka. Waxaa ka mid ah marka ay xumaddiisa oo aad u sarraysaa ay burburiso ama dillaaciso xididdada dhiigga, kaddibna dhiigfuran gudaha ahi qofka ku dhaco, waana sababta keenta in unugyada jidhka qaar hawlgabaan iyo dhimashada.

Khatarta ugu weyn ee xanuunkani waa in uu si degdeg ah oo aan la sii saadaalin karin u xumaan karo, illaa heer uu gaadho in uu nolosha qofka galaafto, inta badanna waxa ay tani dhacda maalinta koowaad ama labada maalmood ee ku xiga marka ay xumaddu qofka ka go’do. Haddaba markan oo kale calaamadaha uu qofku isku  arko ee khatartaas lagu garan karo waxaa ka mid ah; Calool xanuun daran, matag joogto ah, cirridka ama sanka oo dhiiga, dhiig soo raaca kaadida, saxarada ama matagga, iyo dhiig furan maqaarka hoostiisa ka dhaca oo inta badan lagu garto boogo jidhka qofka lagu arko, neefsiga oo qofka ku adkaada ama neefta oo uu boobsiiyo (Neeftuur), daal iyo burbur jidhka oo dhan ah, iyo xasilooni darro nafsiya iyo cadho degdeg ah.

GOORMA AYEY TAHAY IN DHAKHTAR LOO TAGO?
Xanuunka xumadda Dengi waxa uu leeyahay xaalado uu nolosha khatar ku yahay, sidaas awgeed dhakhtar booqo haddii aad dhowaan booqatay dal uu ka jiro, haddii deegaanka aad joogto looga shakisanyahay iyo haddii aad isku aragto wax uun ka mid ah calaaadihiisa, gaar ahaan calool xanuun daran, matag, neefsiga oo cidhiidhi noqda, iyo dhiig lagu arko sanka, cirrika ama saxarada.

LA SOCO QAYB KALE OO MUHIIM AH

FG:
Waxaa muddooyinkii u dambeeyey dalka ku soo badanayey xummad daran oo dad kala duwan ku dhacday. Laakiin xogta halkan ku qoran ujeedadeedu ma’aha in ay xumaddaas ku sheegayso ‘Xumadda Dengi’ ama ay diidayso.

Mayo Clinic / Turj. Kamaal Marjaan