Hal waa iga dardaaran halna waa iga duco .

Waxaan halkan ka salaamaya dhamaan Hawlwadeenada shebekadda berberanews iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.
Hal waa iga dardaaran: Somaaliland waxay maanta maraysaa halkii ugu qaaya badnayd nabada, kala danbaynta iyo sumcada wanaagsan, waxaan kula dardaarmayaa shacabka reer Soomaliland oo aan leeyahay qadiimadda Ilaahay ina siiyay ku fara adayga Qaw ilaa Tukaraq ilaa xadka jabuuti inaad isku wada duubnaataan xuduudiina nabad ku dhamaysataan, waayo waa dad wada dhashay iyo inan iyo inantii ma kala maarano inta gardiidka ku tuhmaysaana iyo wanaaga wadaba qofwaliba gobolkiisa isagaa dhisan kara.
Halla way iga duco: Ilaahay waxan idiinka baryayaa inuu idinla qabto dawalada oo calanku waaro oo citiraaf si dhakhso ah u yimaado mida kale xisbiyadan la furanayana waxan leeyahay iska jira oo ka taxadira inay yimaadaan wax dhibaato u keenaya Somaliland.
Qolada suxufiyiintan ee wax kasta qora waxaad leeyahay ka fiirsada oo aqlinkiinu yuu noqon mid qaranka dumiya, waxa wanaaga ee aad wadanka ka soo sheegtaan waanu ku farxaynaa fadlan naga daaya waxa naxdin ta leh.

Madaxdeenii isaga kala danbaysay hogaanka dalka
Cabdiraxmaan Axmed Cali ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo waa madaxwaynihii ugu horeeyay ee somaliland kuna dhawaaqay qiimo gaara ayuu ku leeyahay somaliland
Maxamed x.ibraahin ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo waxa uu dhisay oo lugaa u taagay somaliland wax uu muujiyay haykal dawladeed dastuur iyo kala danbayn.
Daahir Rayaale waa maxadwaynihii ka horeeyay Siilaanyo waa madaxwaynihii ugu horeeyay ee ku soo baxa doorasho shacbigu soo doorto waana madaxwaye afrikaba ugu qiimo badan oo waxaanu xilka kaga degey si sharafleh taariikhda somalilanda baan dahab ah ayuu ku leeyahay.
Siilaaanyo waa madax wayne iminka haysta somaliland waana nin leh waayo aragnimo siyaasadeed isagana waxa aynu eegi doonaa halka uu soomliland u jaheeyo taariikhdunna way xusi doontaa.
Midda muhiimka ihi waa ninka markuu aynu xil u dhiibano waa inaynu ku ixtiraamnaa wakhtina siinaa ee aynaan kaba qaylin waayo dawalada marka aynu wax u dhiibano waynu la xisaabtamayanaa nabaduna waa qadiimad ilaahay loogu shugrinaqo.
Ururadiii hore ee jiray iyo kuwa soo socdana waxan leeyahay haddii allaah idiin qoray waa helaysaan nabada adkeeya la yimaada barnaamij cad oo caafimaad qaba si nidaamsan u tartama hadala wanaagsani wa sadaqo.
Waxa leehayay walaalada Somalia, Somaliland waxa weeye Somali calan qaadata tii ugu horaysay waxayna xornimadeeda qaaday 26/6/1960 waxa idiinkeenay waa doonis tii shicibka laakiin madaxi idiinma keenin anigu waxan ahaa goob joog ujeedada aynu isugu darsanay waa sidii loo midayn lahaa shantii somaaliyeed riyadaasina way beenawday. Wixii dhacay dhace shicibkii idin keenay markii hore ayaa iminkana idinkala noqday waxaunu nahay dad walaalo ah horta idinku is dhisa markaa idinku aad is dhistaan waxaynu noqonaynaa sadex wadan oo madax banaan oo iskaashada waxa wanaagsan inaynu isku ducayno somalidu waxay tidhahdaa ama hal ii lis ama hal iidhen .waxanu idinka doonaynaa inaad gooni u noqodkayagii noo daysaan oo naga daysaan hadal xumada iyo facaailka aad nagula kacaysan inaynu sidaa isugu ducayno walaalana ku ahaano
Walaaladayada Jabuuti waxan leeyahay maalintaa xoriyadda hesheen todobaadyo ayaanu farxad idiinku ciyaaraynay inaan anagu helay ayay nala ahayd waa hesheen oo ilaahay wuu idin siiyay nabad iyo khayr aya dawladnimadii ku hanateen idinku naganasiibkayagii wuxuu ku xumaaday markii aanu xornimadayadii la cararnay ee aanu koonfur u geynay soomali doon dartii halkay nala martayna waad ogtihiin soonoqonaye manta ee aqoonsi ayaan idinka rabnaa dawalada jabuuti taas baanu idiinka fadhiinay iminkana waanu idiin ducaynaynaa .waxanu jecelay inaad harmuud ka ahaato aqoonsigayaga iskaaya garabtaagto ismaaciil cumar geeloow ayaan kaaga fadhinaa
Faadumo Maxamed Cali

NewZealand