Xammaas oo baahisay in maxbuus Israel u dhashay ku dhintay duqayn

Israel-(Berberanews)-Garabka hubaysan ee Xamaas ee Qassam Brigades, ayaa sheegay in Nadav Popplewell oo u dhashay Britain iyo Israa’iil uu u dhintay dhaawac ka soo gaadhay weerar cirka ah oo ay Israa’iil fulisay bil ka hor.

Ku dhawaaqista kooxda ee Sabtidii ayaa timid saacado uun ka dib markii kooxda Falastiiniyiinta ay sii daayeen muuqaal 11 ilbiriqsi ah oo muujinaya Popplewell oo isha nabar ku leh.

Muuqaalkan oo dib loogu daabacay baraha bulshada oo ay soo xiganayeen wakaaladaha wararka Israa’iil, ayaa la arkayay nin xidhan shaadh cad oo uu isku sheegay Nadav Popplewell oo 51 jir ah oo ka soo jeeda Nirim kibbutz ee koonfurta Israa’iil.

Qoraalka sare ee Carabiga iyo Cibraaniga ayaa odhanahay: “Waqtigu waa dhammaanayaa. Dawladiinuna been bay sheegaysaa.

Popplewell ayaa lagu qabtay Nirim intii lagu guda jiray weerarkii ay Xamaas hogaaminaysay 7-dii October, sida ay sheegtay shabakada wararka ee Israel’s Ynet.

Hooyadii ayaa sidoo kale loo kaxaystay maxbuus ahaan balse markii dambe la sii daayay intii ay Xamaas iyo Israa’iil isweydaarsadeen maxaabiista sannadkii hore.
Popplewell walaalkiis ayaa lagu dilay weerarka, Ynet ayaa werisay.

Fiidiyowga la soo galiyay Sabtidii kanaalka Telegram ee garabka hubaysan ee Xamaas ayaa ah markii saddexaad muddo bil gudaheed ah oo kooxdu ay sii daayaan muuqaalka maxaabiista lagu hayo Gaza.