“Somalia waxay diyaar u tahay dagaal haddii..” Xasan Sheekh

Somalia-(Berberanews)Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay Soomaaliya diyaar u tahay fursadaha diblumaasiyadeed ee lagu xalin karo ismariwaaga ka dhaxeeya Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay haddii taas la waayo  in Soomaaliya diyaar u tahay dagaal, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo nabad ku wada noolaanshaha balse aan waxba loo dhimin midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda hooyo.

Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu sheegay dariiqa nabadda in ay u baahan tahay isu dheeli tirnaan dublamaasiyadeed, midnimo qaran, iyo go’aan adag oo ku wajahan qaranimada Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa qeyb ka ahaa khudbad uu madaxweynuhu ka jeediyay masjid kuyaala madaxtooyada Soomaaliya salaaddii jimce kadib.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid, iyadoo Somaliland ay sheegtay in muddo labo bilood gudaheed ah lagu dhameystirayo heshiiska badda ee ay la gashay dowladda Itoobiya.