Mooshinka Aqoonsiga Somaliland ee ay wadaan Xubnaha Baarlamaanka Ingiriiska

Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay   Xildhibaan Timloughton oo hoggaaminaya xildhibaannada mooshinka aqoonsiga  Somaliland wada, kaasi faahfaahin ka bixiyay dullucda mooshinka iyo muhiimada ay leedahay in Ingiriisku xoojiyo  xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland.

Xildhibaan  Tim Loughton wuxuu sheegay in Somaliland tahay laambada nabada iyo dimuqraadiyadda oo ku taalla  mandaqad xasarado hadheeyeen, isla markaana ummaddeedu u halgantay sidii loo ictiraafi lahaa dalkooda.

Tim Loughton wuxuu intaas ku daray in uu socdo heshiis isfaham oo Somaliland ay la gashay Itoobiya, kaasi oo ay kaga kiraynayso saldhig millatari oo badda ah, wuxuuna xusay  in heshiiskaasi dhigayo in Itoobiya rasmi ahaan u aqoonsato Somaliland.

Xildhibaan Tim Loughton wuxuu ku dooday in Somaliland ay muhiim u tahay badda cas iyo gacanka cadmeed, halkaasi oo ay ka jirto xiisad ay ku beegsanayaan Xuutiyiintu Maraakiibta ganacsiga.

Waxa uu caddeeyay in 15 xildhibaan ee gole keenaya mooshinka aqoonsiga Somaliland oo ka kooban xisbiyada Ingiriiska oo dhan ay doonayaan in dawladda UK ay si xeel-dheer u gasho qaddiyadda Somaliland oo ay siiso aqoonsi buuxa.

“Ingiriiska iyo xulafadeenna oo uu ka mid yahay Maraykanku waa inaynu si dhab ah u wajahnaa Somaliland oo aynu siinaa aqoonsi buuxa oo rasmiya,” ayuu yidhi Mudane Tim Loughton.

Waxa kaloo uu  carabka ku dhuftay in heshiiska is-fahan ee Somaliland iyo Itoobiya ay dalalka Afrika ka faa’iidi  doonaan dhaqaale badan oo waxtara.

Xildhibaanku wuxuu sheegay inay magaalooyin badan oo ku yaalla Ingiriiska ay ku nool yihiin bulsho badan oo ka soo jeeda Somaliland oo danaynaya in dalkooda loo aqoonsado.

Xildhibaan Tim Loughton wuxuu ka mid ahaa mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka UK, kuwaasi oo dhawaan booqasho ku yimid Somaliland.