Baaq iyo talo ku socota bulshada Somaliland ee ku nool dalka Maraykanka (USA) iyo kaalinta uga bannaan Shirka Guud ee Golaha loo dhanyahay ee UN-ta (UN General Assembly) ee New York.

Waxaan salaam baaxad leh halkan uga soo gudbinayaa dhammaanba muwaadiniinta Jam. Somaliland ee ku nool dalweynaha Maraykanka, waxaanan jeclaan lahaa inaan u soo gudbiyo farriin iyo talo la xidhiidha qaddiyadda Ictiraaf-Raadiska Jam. Somaliland.

Sida aynu la wada soconno waxa magaalada New York ka socda Shirka Guud ee Golaha loo dhanyahay ee UN-ta (UN General Assembly).

Qadiyadda Ictiraaf-Raadiska Jam. Somaliland ma aha keliya masuuliyad ay leedahay Xukuumadda hadda dalka ka talisa ama Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda, balse waa xil iyo waajib saaran qof kasta oo Somalilander ah oo ku nool dacallda dunida oo idil (siiba muwaadiniinta ku nool USA, Canada, West Europe iyo Australia).

Waxa aynu ka wada dheregsannahay in Dawladnimada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay taam iyo mid dhamaystiran noqon karto keliya marka ay beesha caalamka ka hesho Aqoonsi iyo Ictiraaf buuxa.

Haddaba iyada oo laga faa’iideysanayo shirka ka socda New York ee ay Bulshada Caalamku u dhantahay, waxaan muwaadiniinta Jam. Somaliland ee ku nool dalka USA, gaar ahaan magaalada New York iyo gobollada u dhaw-dhaw kula talin lahaa uguna baaqi lahaa inay isu soo bax iyo mudaharaadyo ka hor dhigaan xarunta UN-ta ee uu shirku ka socdo, taasoo ay ku muujinayaa dareenkooda ummadnimo iyo Qadiyadda Ictiraaf-Raadiska Jam. Somaliland. Walaalayaal weynu dareemi karnaa muhimadda weyn ee ay inoo leedahay Jam. Somaliland oo bulshada caalamka ka mid noqota. Bal adiguba qiyaas waxtarka iyo muhimadda ay dalkeenna u leedahay haddii dhawr qof oo waqti u hura qaddiyaddeena ay Calanka Jam. Somaliland isla hor taagaan aqalkaa UN-ta ee ay dunidu ku shirayso!!!

Waxaan muwaadiniinta Jam. Somaliland ee ku nool New York iyo gobollada u dhawba ugu baaqayaa inay fursaddaa ka faa’iideeyaan oo ay ku dedaalaan sidii ay shirkaa hadda socda uga muujin lahaayeen Qadiyadda Ictiraaf-Raadiska Jam. Somaliland.

Ha la taageero oo ha la is garab taago Wasiirka Arrimaha Dibedda

Dr. Mohamed Abdillahi Omar oo laftiisu ku sugan New York & Washington, kaasoo run ahaantii aan odhan karo inuu yahay halyey iyo wadani dhab ah oo hadh iyo habeenba heegan ugu jira sidii uu uga midho dhalin lahaa inay Jam. Somaliland ka mid noqoto Bulshada Caalamka.

Wa Billaahi Tawfiiq,    Guul, Horumar iyo Ictiraaf ay Somaliland hesho

By:  Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr||UK|