Bayaan :Taageero Shirweynaha Dubur {Ciise Muuse} & Canbaareyn Qoraal magacyo been abuurka ah.

Anagoo ka mid ah  Aqoonyahanka ,Waxgaradka ,Iyo Ganacsatada G/Saaxil Waxaanu Halkan Ku Cadaynayaa Inaanu Si Buuxda U Taageersanahay Qabsoomida Shirka Loogu Magacdaray Dan Iyo Duco Ee Beesha Ciise Muuse Ay Isugu Imanayaan Deegankaasi Dubur taariikhdu markay tahay 29/09/011 Kagana Tashanayaan Hourumarinta Degaanadooda , sida horumarinta dhinaca arimaha adeegyada bulshadooda.
waxaanu canbaaraynaynaa Qoraalka been abuurka ah oo warbaahinta ku soo baxay kaas oo meel ka dhac iyo aflaagado ku ahaa dhamaan beesha iyo weliba chief Caaqil beesha gaashanbuur Mudane Cilmi Rashiid…,isla markaana la isticmaalay odayada beesha qaar ka mid ah magacyadooda oo been abuura oo meel ka dhac ku samaysay CHIEF CAAQILKII GASHAANBUUR FAARAX JIBRIIL MD,CILMI RASHIID XASAN.
hadaba hadii aan nahay xubnaha beesha gudo iyo dibadba waxaan u sheegaynaa dhamaan dadka ay khusayso in Qoraalkaasi been abuur ahaa ,oo aanan fahansanayn ujeedada ka danbaysay ee laga lahaa.
Shirkani Maaha Shir wax u dhimaaya nabadgelyadda , Qaranimada Iyo Dawladnimada JSL,Xaasha , Lagama Sugaayo Arimaha Noocaas Ah Iyo Wax La mida Toona Waa Dacaayad Aan Sal Iyo Raad Toona Lahayn Ayna Faafinayaan Dad Dano Gaar Ah Leh oo ku sifoobay Dilaaliin weysada u Biyastay Kala Fogaynta Shacabka G/saaxil Iyo Dawlada
Hadaba Hadaanu Nahay Dadka Ay Magacyadoodu Hoos Ku Xusanyihiin Waxaanu Halkan Kucadaynaynaa Qodobadan Hoos Ku Xusan
1.Inaanu Si Buuxda U Taageersanahay Go,aankii Kasoo Baxay Suldaanka Guud Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin Iyo Suldaanka 2aad Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Shiikh Iyo Go,aankii Gudida Qabanqaabada Shirweynaha Dubur (Ciise Muuse).
2.Waxaanu Ka Soo Horjeednaa Hadalkii Ka soo Yeedhay Koox Ka midda Cuqaasha Beesha Galbeedka Ciise Muuse lagu qoray Chief Caaqil Cilmi Rashiid Xasan oo hadda ku sugan London aadna ula yaabay bayaankaa magaciisa lagu qoray ,iyo magacyo kale oo aan shuqul ku lahayn , halka qaar kalena Loo Cumaamaday Mansabyo Aanay Beesha U Hayn Sheegayna In La joojiyo Shirka. Waxaanu Leenahay Duca-qabayaal Ogaada Inaad Wax Ku tihiin Dadka Aad ka tirsan tihiin , waxaana laydinka baahanyahay in aad Ka Waantowdaan Hadalada Aan Idila Miisaanka Ahayn Eed Ku Hadalysaan Cafisna Weydiista Dadkiina aad masabidka iyo waxaa aan jirin aad ka sheegaysaan.
3.Waxaanu iyagana Fariin toosa isla markaana Digniina U Diraynaa Dadka iayaguna Daaha Dabadiisa Ku soo Jira ,isla markaana Hagardaamaynaaya Shirka Ay Umadani Isku Raacday Waxaanu Leenahay “Ninka Dhuumanaye Dhabarku Muuqdaw , waa lagu arkaayaa” kuwa aad soo diraysaa ayaa hadhow dib kuu sheegi
4.Ugu Dambayn Waxaanu Ugu Baqaaynaa Dhamaan dadka ku abtirsada Beesha Ciise Muuse Inay Taageero Hiil Iyo Hooba Ay Lagarab taagnadaan Shirkaasi Dan Iyo Duco Ayna Dhegaha Ka Furaystaan ruux kasta oo Weji Ku Macaashka ah, kana Hadla Warbaahinta
Xubnaha Bayaankan Soo saaray qaar ka midda,
1.Cheif caaqil Cilmi rashiid
2.Ganacsade, Mustafe Adan Shanle,
3.Ganacsade, Aniis Abdi Muxumed,
4.Aqoonyahan, Mowliid Qasaali .
5.Jaamac Cismaan Xasan.
6.Dr,Amiin bare Muxuimed.
7.Prof,Najiib Bare Maxumed.
8.Farxaan Axmed Yusuf,
9.Abdiraxmaan Genanal da,uud.
10,Maxamed xasan Gini.
11.maxamud Dhalanteed.
12. salebaan Cawl,
13,Xasan Abdi Muxumed(FurCase)
– Allaa mahad leh-
Guul Iyo Gobonimo
By, Mustafe Adan Shanle
B,ham Uk