Baaq – Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Shir telephone qabanaya Sabtida Bisha September 17keeda saacada 2 galabnimo.

Dhamaan jaaliyadaha Somaliland ee jooga North America waxa lagu marti
qaadayaa inay ka soo qayb galaan conference call uu marti inoogu yahay
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland, Dr. Mohamed Abdillahi Omar,
halkaas oo inooga warami doono xaalada Somaliland ee abaaraha iyo
dhamaanba guud ahaan xaalada waddanka, siyaasada dibada ee dawlada
cusub, iyo ujeedada socdaalkiisa uu ku yimi Maraykan. Shirkan
telephoneka lagu qabanayaa wuxu dhacayaa Maalinta Sabtida ee bisha
September ay tahay 17ka, saacadu marka ay tahay 2pm galabnimo ET
(Washington DC wakhtigeeda).
Waxa aad soo garaacda telephone numberkan si aad uga qayb gashid
shirkan telephoneka ah: #: (712) 432-1001
Ka dibna waxa aad garaacdaa muftaaxa lagu gelayo shirkan telephoneka
(access code): (712) 432-1001 ka dibna garaac calaamadan #
Haddii aad wax su’aalo ah jeceshahay inaad waydiiso Wasiirka fadlan
su’aalaha soo dir inta shirka horaysa oo ku soo hagaaji halkan
su’aalaha; mission@somaliland.us, dadka soo gelaya oo tiro badan
awgeed suurto gal noqon mayso inay su’aalaha live laga dhigo.