Barnaamijka Shaqadoon Iyo Faa’ida uu Dhallinta Somaliland u Leeyahay

Barnaamijka  Shaqodoon oo ah mid ay maal-galiso ha’yadda EDC,  islamarkaana ay fuliyaan ururo maxalli ah oo ka hawl-gala guud ahaanba gobolada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka mid tahay wargeyska da’da weyn ee Jamhuuriya  Media Group oo fuliyay mashaariic kor loogu qaadayo tayada aqoonta hawl-wadeenadda warbaahinta dalka ka hawl-gala, kuwaas oo qaarkood imika ka shaqeeyaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland oo isugu jira wargeysyada, idaacadaha, shaashadda muuq baahiyaha kala duwan iyo baraha internet-ka oo gabi ahaantoodba ka jira gudaha iyo dibaddaba, intii uu socday mashruucaasi waxa ka qalin jabiyay  arday tiro badan oo bartay xirfado kala duwan ee mihnadda saxaafadda. Sannadkii 2009-2010 waxa ka qallin jabiyay tobobarka barnaamijka Shaqodoon  ay bixinaysay Jamhuuriya Media Group, islamarkaana maal-gelisay ha’yadda EDC arday tiradoodu dhan tahay 65 arday oo bartay  qaybaha kala duwan ee mihnadda saxaafadda, islamarkaana haatan ka hawl-gala ha’ayadaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland,  kaalin firfircoona kaga jira hawl-maalmeedka shaqo ee  warbaahinta maxalliga ah.

Kuma ee kaan oo kaliya fursadaha tobabar ee la xidhiidha mihnadda saxaafadda ee wargeyska Jamhuuriya Media Group  bixiyey oo kaliya 2009, balse Sannadkii 2010-2011 ayay nasiib u heshay isla mashruuca wajigiisa labaad oo ay siisay ha’yadda caalamiga ah ee EDC  barnaamijka Shaqodoon, waxaana fursad u helay tobobarkaas 102 arday oo bartay mihnadda kala duwan ee saxaafadda oo ka mid yihiin Advance Jouranalism, Photo Journalism, Basic Journalism, Media Management, Media Marketing iyo Lay out designing oo haatan dhammaystay tobobarkaas, kuwaas oo isugu jira wiilal iyo gabdho qaarkood ka hawl-galaan warbaahinta dalka .Tiradan ayaa noqonaysa tii ugu badnayd ee ka qalin jabisa barnaamijkan Shaqodoon oo fulisay Wargeyska Madaxa bannaan ee Jamhuuriya.  Intii uu socday tababarka sannadkan waxa qaybo ka mid ah ardayda ka faa’iidaysatay marshuucan u suurta gashay in ay sameeyaan bare Internet oo si toos uga faa’iidaystay barnaamijkan Shaqodoon , kaas oo markii danbena isku beddelay website madax-bannaan, islamarkaana soo gudbiya warar ay ka madhan yihiin caaddifad iyo qof jeclaysi ama mid necbaysi.

Fikirka websit-ka oo ay  lahaayeen tiro arday ah oo ka faa’iidaystay barnaamijka Shaqodoon, waxa uu noqday mid midhi dhalay. Tallaabadan horumarineed ee ay sameeyeen ardaydan waxa noqonaysaa guul ballaadhan oo u soo hoyatay wargeyska Jamhuuriya Media Group iyo ha’yadda maal-gelisay barnaamijkan ee EDC.

Isku soo wada xooriyo barnaamijkan shaqodoon waxa uu faa’iido weyn u leeyahay dhallinta Somaliland inta ka faa’iidaysatay oo fursado shaqo iyo xirfadeed ka helay, iyagoo qaarkood iskood isu abaabulay si ay uga midhi dhaliyaan mihnadda ay barteen in ay sameeyaan website ay ku ridaan maalin walba dhacdooyinka wareed, barnaamiyada kala duwan ee caafimaadka, waxbarashada, dhaqanka, diinta iyo qaybo kale oo kala duwan.
Qallinkii

Axmed Cabdilaahi
Hargeysa Somaliland

————————————–