Maxaa u dan ah dalka iyo dadka?

WQ: Xuseen Cali Nuur
Tan iyo bishii May ee sannadkan 2022-ka khilaaf aragti oo siyaasadeed ayaa labada xisbi ee mucaaridka ah iyo xisbiga talada haya ay ku kala duwanaayeen, oo waxa xal ah laga gaadhin illaa maanta.

Aragtidan kala duwanaasho waxa ka dhashay jawi siyaasadeed oo ka xamaasad badan kana duwan kuwii hore ee xilligan oo kale dhici jiray. Dadka aan aqoonta dheer u lahayn shacbiga iyo bisaylkooda siyaasadeed waxay ugu muuqataa in aan la furdaamin karin. Hase ahaatee arrintu way ka duwan tahay aragtidaa ay qabaan.

Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran 32 jir ah oo dimuqraaddi ah. Waa Qaran dastuur iyo shuruuc iyo dhaqan caafimaad qaba u leh xallinta duruufaha la soo darsa ha ahaadaan kuwo bulsho, dhaqaale, amaba siyaasadeed.
Bishan Julay 19 keedii- oo shalay ah waxa saddexda xisbi Qaran ka muuqatay in wadahadadaladii u socday ee ku aadanaa aragtida kala duwan ee ay lahaayeen, waxbaba aanay iska beddelin.

Shir jaraa’id oo labada dhinaca kala qabteen shalay oo Salaasa ah, waxa labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID wada jir u sheegeen in wadahadaladii lagu kala kacay oo aan wax heshiis ah la gaadhin. Xisbiga talada haya ee KULMIYE waxa uu dhiciniisa ku sheegay inuu diyaar u yahay albaabaduna u furan yihiin in wadahadaladii halkoodii ka sii socdaan.
Labada guddoomiye ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada ee dhex dhexaadinayey wax war ah kama soo bixin illaa maanta. Saddexda xisbi Qaran lixdii qodob ee ajandaha u yiilay wada hadalada dhexmarayey, waxa kaliya ee ay ku heshiiyeen in la dhammaystiro Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo in Golaha Wakiilada oo fasax ku jira hawlaha ay soo galaan.
Is afgaran waa siyaasadeed maanta dalka uguma horeeyo. 2005-tii khilaaf siyaasadeed oo dhexmaray Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin iyo Golaha Wakiillada, markii ay is mari waayeen waxa lagu xaliyey xal sharci oo ay gaadhay Maxkamadda sare, ahna Maxkamadda dastuuriga ah.
Sannadkii 2012-kii doorashadii ururada ee la qabtay waxa ay ahayd mid ku dhisan xeerka doorashada ee dastuurka ku yaal. Doorashada waxa ku guulaystay saddexda xisbi Qaran ee maanta dalka ka taliya, oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo bisha December ee sannadkan. Doorashadaa waxa masraxa siyaasadeed ka baxay xisbigii talada hayey ee UDUB waxaana beddelay xisbiga WADDANI.
Dalalka iyo shaqsiyaadka jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qarannimadeeda kana soo horjeeda waxay jecel yihiin in khilaafkani sii jiro, iska hor imaad dhab ahina dalkan ka dhaco.  Nabadda, xasilloonida, degenaashiyaha, midnimada iyo dimuqraadiyadda dalkana dhaawac wayni soo gaadho.
Waxay illawsan yihiin in haddii wadahadalkii is mari waaga siyaasadeed xal lagu gaadhi kari waayo, in dalka dastuurkiisa iyo shuruucda u taalla lagu xallin doono.
Yaan la illoobin in dhaqanka dalalka horumaray ee mudnaanta siiya  danaha gaarka ah iyo danaha xisbi inaanay dan u ahayn Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta hadafka ugu wayn ay muxaafid iyo mucaaridba shacbiga taageeraa mudnaanta siinayaan.
Sidaa darteed hala dhawro  xuquuqda dastuuriga ah ee siinaysa qof kasta oo muwaadin ah in sifo sharci wax ku dooran karo, laguna dooran karo.
(Beer la xawsi iyo abuurida jawi siyaasadeed oo aan degenayn dan uma aha dadka, dalka iyo danta guud. Hana la ogaado sharciga in aanay cidina ka sarayn cidna aanay gacanta ku qaadan karin)