Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Sideed u fahantay weedhan?

Haddii aad ka mid tahay dadka dhibsada marka ay maqlaan maxaad ku saluugtay?
Middan baddalkeeda, maxay tahay odhaahda aad rabtay in la adeegsado?

Mar kasta iyo meel kasta oo aan marayo waxa aan la kulmaa muwaadiniin reer Somaliland ah oo marka ay i gartaan judhaba igu bilaaba cannaan ah sababta aan u adeegsanno kalmaddaas marka aan tebinayno war ku saabsan Somaliland.

Wakhti ayay iga qaadataa in aan qof qof dadka uga qanciyo sida qaldan ee ay u fahmeen weedhaas, sidaas awgeed bal imika maankiina fura oo ila fahma intan.

Awalanba in Weedhan loo adeegsado marka Somaliland laga hadlayo waa is-afgarad iyo heshiis dhex maray Xukuumadda Somaliland iyo BBC.

Solomon Mungera oo ahaa tifaf-tirihii guud ee BBC africa iyo wasiirka warfaafinta oo xilligaas uu ahaa Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa kulan ku dhex maray xarunta wasaaradda warfaafinta ku kala saxeexday is afgarad ay ku gaadheen in marka Somaliland laga hadlayo la adeegsado weedha ah (Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland).
in sidan loo dhigaa waxa ay ka timi dhanka dawladda BBC’na waa ay la qaadatay.

Weedhan ka hor waxa la adeegsan jiray kalmadda Somaliland oo kaliya.
Jubbaland, Puntland iyo Somaliland qaab isku mid ah oo ah sidaa imika aan u qoray ayaa loo sheegi jiray.

Balse adeegsiga Weedhan (Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanidu) Waxa ay Somaliland ka soocday sida loo sheego maamul goboleedyada Soomaaliya.

Heshiiska ka sokow aynu eegno macne ahaan waxa ay ka dhigantahay weedhani oo marka hore laba aynu u kala qaadno.

“Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida” oo afka qalaad ku noqonaysa (The self-declared independent) waa weedh caalamka oo dhan looga adeegsado dalalka aan helin aqoonsi caalami ah balse gaar uga baxay dawladihii ay ka tirsanaanyeen.

Innaga oo og in Somaliland lagasoo bilaabo 1991 kii ay ahayd mid madaxbannaan oo gaar ka ah Soomaaliya, haddana lama dafiri karo in aanay wali aqoonsi rasmi ah ka helin adduunka.

Adeegsiga weedhaas waxa lagaga baaqsaday in Somaliland lagu sheego gobol Soomaaliya ka tirsan, taas beddelkeeda waxa sumad looga dhigay sida ay iyadu dooratay ee ah in ay ka madaxbannaantahay Soomaaliya balse ah go’aan iyada ku kooban oo aan adduunku la qaadan.

Intaas waxa dheer in weedhaas lagu daray Jamhuuriyadda (Republic) oo haddii aad fahmi kartaan ah mid aan sumad looga dhigi karin maamul goboleedyada Soomaaliya.
kawarran haddii la odhan lahaa Jamhuuriyadda puntland?

BBC ingiriis oo aan wali siinin Somaliland aqoonsi rasmi ah ayaa leh.
In markaa BBC Ay adeegsato erayga Jamhuuriyadda (Republic) oo ku dhex jirta weedhan (The self-declared independent republic of Somaliland) miyaanay sadbursiimo ahayn.

Haddii aad fahantay waxa aan kaala hadlay, shacabka iyo madaxda Somaliland miyaa ah kuwii ka caban lahaa adeegsiga weedhan, mise waxa ay ahayd in ay ka cawdaan cidaha Soomaaliya?.

Arrintan in aan sharraxaa xidhiidh lama laha hakinta Somaliland hakisay shaqadii BBC ay ka wadday Somaliland.
Mana aha ogaalkay waxa ay imika cabashada xukuumaddu salka ku hayso, waase mid shantii sanno ee aan ka shaqaynayay BBC aan kala kulmayay muwaadiniinta Somaliland oo aan ka fursanwaayay in aan halkan idinka fahansiiyo.

Doqoni sarar ciid loogu riday gallad ma mooddo.

WQ Sidiiq Maxamed Burmad