Garyaqaan Maxamed Jaamac : Musuq Maasuqa Dacwadaha Dhulka

Garyaqaan Maxamed Jaamac Axmed Waxa uu dhibaatada ugu weyn ku hayaa bulshada kasoo jeeda Gobolka Sool kuwaas oo Magaalada Hargeysa kaga qaadayo Dhulka ay ku leeyihiin isagoo marka hore Garyaqaan difaaca u noqonaya dadka deegaankiisa isla kiiskii uu ka noqday garyaqaanka ayuu hadana lasoo safanaya qoladii meesha ku haysatay inta uu ka qaato wax dan u ah.

Tusaale ahaan dhul ku yaala Caasimada Hargeysa ee warshada Caanaha oo ay isku haysteen Ganacsato deegaanada dhexe ee Somaliland ah iyo Gobolka Sool dadka kaso jeeda gaar ahaana qoys lagu magacaabo ilma Fooxle, isagoo kiiskaasi u doodayay dadkii hantidaasi lahaa ee ay isku deegaanka ahaayeen isagoo markii dambena uu u wareego dhinicii ganacsatada kuwii u doodayay ee ay tolka ahaayeen ee nafta soo bidayna uu markhaati iyaga dib ugu noqday sidaasna lagaga qaaday.

Garyaqaan Maxamed Jaamac ayaa iminka waxa uu hada u doodayay mudo Maxamed Faarax Xidig oo reer Laascaanood ah oo markii hore qareen u ahaa iyadoo uu garyaqaan uga ahaa dhul uu ku leeyahay Galbeedka Hargeysa agagaaarka Hotelka Grand haadi, sidii loogu ogaa inuu qareen u ahaan jiray maxamed faarax Xidig ayuu hada la saftay shirkada Kuwa dalka ah oo ku haysta dhulkaasi kuna doodaysay oo ay isku haystaan.

Waxaana la ogyahay in wiil uu dhalay Garyaqaan Maxamed Jaamac Ahmed uu ka dhacay lacag dhan 50 kun oo dollar  si uu lacagtaasi u gudana waxa uu iminka u doodayaa Shirkadii Maxamed faarax Xidig dhulkiisa ku haystay taas oo uu doonayo in lacagtaasi wiilkiisu dhacay badalkeeda uu dhulkaasi Markhaati beenaale ugu furo tani waxay nabar ku tahay bulshada Sool degta ee uu hargeysa ku dhacayo maalinkasta.

Shirkad ayuu u doodayaa isla qoladii uu ka difaacayay ayuu la safanyahay taasoo aan ahayn anshaxa garyaqaanimada iyo habdhaqanka Garsoorka ee Somaliland.

Waa nabar ku yaala dadka reer Sool waxaana uu nacsiiyey Somaliland isagoo hantidooda ku boobaya hab dayday garyaqaanimo ah marka dambena iyaga u markhaati ku farayaa sidaasna Hantidooda ku dhacaya iyagoo marka hore soo biday difaac iyo hiil balse uu dareenkooda ka ganacsanayo.

Garyaqaaan Maxamed jaamac Ahmed ayaa ka mid ahaan jiray Xildhibaanadii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland iyadoo sharcigu ka reebay inu garyaqanimo ku shaqeysto hadana xiligaasi waxa uu ku dhacay dad badan shaadhka Baarlamaanka Somaliland.

Maqaalo Taxane ah oo lagaga hadlayo Shakhsiyada Garyaqaan Maxamed Jaamac Ahmed iyo Dhibaatada uu ku hayo bulshada Gobolka Sool ee maalin walba ku dhacayo Hargeysa.

Qoraa Maxamed Cali Maxamuud

Hargeysa