Diblomaasi Maraykana oo sheegay in Berbera noqon doonto saldhigga u weyn

Qoraalka hoose waxa qoray Safaarada Maraykanka ay ku leedahay Muqdisho, Soomaaliya, qoraalka 2aadna waxa qoray Bureau of International Narcotics-

Shaqaale hoosaad u shaqeeya Safaarada Maraykanka ay ku leedahay Muqdisho ayaa waxa uu waraysi siiyay SPN Network oo ah Idaacad ku taala magaalada Fe Springs, ee gobolka California.

Dibloomaasigan oo aan la sheegin magaciisa sababo la xidhidhiidha isaga oo aan loo ogolayn in uu bixiyo waraysi ayaa amaanay Ciidamada Badda ee Somaliland,waxa kale oo uu sheegay in marinka Berbera uu noqon doono saldhiga ugu weyn ee Maraykanka uu ku yeelan doono Afrika.Ciidamada Badda ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa dhawaan ku guulaystay in ay qabtaan markab si tuuganimo ah wadanka uga saarayay harimacad.Guusha Ciidamada Badda Somaliland ayaa waxa ku amaanay hawsha ay qabteen, safaarada Maraykanka uu ku leeyahay Soomaaliya iyo Bureau of International Narcotics, oo xarunteeda ay tahay magaalada Washington D.C ahna qayb hoos timaada Wasaarada Arimaha Dibadda Maraykanka.

WQ. Axmex Adan