Maxay Midguhu u necebyihiin Habar Awal?

Sawirka sare waa Midgo ka ugaadhsanaya jidka u dhaxeeya Hargeisa iyo Berbera sanadkii 1921–MAXAY MIDGUHU U NECEBYIHIIN HABAR AWAL?

Sawirka hoose waa Midgo ka ugaadhsanaya jidka u dhaxeeya Hargeisa iyo Berbera sanadkii 1921———–

Khamiis, June 8, 2022

Professor Alice Bellagamba iyo Professor Ugo E.M Fabietti oo ahaa qoraa Talyaani ah, ayaa waxa ay wada qoreen buug lagu magacaabo The Gaboye of Somaliland: Legacies of Marginality, Trajectories of Emancipation.

Prof.Alice Bellagamba iyo Pro.Ugo.E M. Fabietti, waxa ay buuga ay qoreen ay ku sheegeen in qabaa’ilada Sacad Muse iyo Ciise Muuse ay ka qixiyeen qabaa’ilada Midgaha xaafadaha Jameeco Weyn iyo xaafado kale oo ku yaala Hargeisa, halkaasna ay iyagu ku tarmeen, halka qabiilka Ciidagale, aanu ka mid ahayn qabaa’ilada durkiyey qabiilka Madhiban ama Midgàan.

Taas waxa ay keentay colaad gaamurtay oo ay qabiilka Midgaanka u hayaan Habar Awal, sida ay sheegeen Alice Bellagamba iyo Ugo E.M  Fabietti.

Sidoo kale waxa ay qoreen labada qoraa in Gudoomiyaha Degmada Hargeisa oo ahaa nin Ingariis ah, laguna magacaabi jiray Edward Park uu u diray magaalada Jijiga basaas Habar Awal ah sanadkii 1934.Basaaska Habar Awal, ayaa waxa loo diray in uu soo basaaso ninkale oo basaas u ah Itoobiyaanka kaas oo lagu magacaabo Mohamed Warsame.

Basaaska Habar Awal, oo ahaa Ciise Muuse ayaa waxa uu hore u baabiiyey xaafado ay deganaayeen Midgaha, intaas kuma uu joogsan ee waxa uu u sheegay qabiil Ciise Muuse ah oo degan Hargeisa, in ay ka dabatagaan oo ay la degaan xaafadda Daami, taas oo ay ilaa hadda ay qayb ka mid ah deganyihiin Aaden Ciise oo ah qayb ka mid ah Ciise Muusaha.

Falka basaaska Ciise Muuse oo lagu magacaabo Bulaale Xirsi ayaa waxa walaac ka muujiyey qabaa’ilka Ciida Gale oo degan qayb ka mid ah Hargeisa.

Buuga ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlayaa in Midgaha Hargeisa ay ka masayreen horumarka iyo baayacmushtarka qabiilka Sacad Muuse, kuwaas oo ah hantiilayaasha ugu badan magaalada Hargeisa ee caasimada Jamhuuriyada Somaliland ilaa ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo gudaha wadanka Djibouti.

Buuga ayaa sidoo kale waxa uu qorayaa in nin Midgaan ah uu ka cawday Habar Awal,isaga oo u cabanaya Edward Park inaadeerkii oo joogay Hargeisa sanadkii 1951.

William Andrew oo ay ilmaadeer ahaayeen Edward Park ayaa nin Midgaan ah u yimid, waxana uu ka codsaday in Ciise Muusaha looga saaro xaafada kaliya ee ay ka deganyihiin Hargeisa oo ah Daami.William ayaa ku jawaabay in aanu arintaas samayn karin, markii uu ninka Midgaanka ah ka tagay, ayaa waxa uu yidhi hadalkan hoose:

” See loo caawin karaa dad maskaxdooda iyo maskaxda dameeraha ay simanyihiin.Gabadha Midgaanta ah ilaa aad is qaawiso oo aad tusto cawradaada, ma garan karto hadii aad tahay nin ama hadii aad tahay gabadh- taas waa sida ay ula midyihiin caqliga dameerka”.

Inkastoo buuga uu ka badanyahay 240 bog, hadana waxa aan Af- Soomaali u badali doonaa qaybaha ugu muhiimsan laga bilaabo June 10, 2022.

WQ Axmed Adan