Madaxwaynaha Su,aalo Ma Waydiin karaan Gollayaasha Baarlamanku?

Markuu Ka Horjeedinayo khudbadiisa Sanad Laha ah Ee Uu Baarlamanku Warbinta Dalka Uu Kasiinayo Ee ay ka dhagaysanayaan???

Jawaabta Oo Kooban Waa Maya, Si Waafaqsan Qodobka.38aad Farqadiisa,6aad Xubinteeda(b). Qodobkan waxa uu Si cad u sheegayaa in madaxwaynaha labada golle oo isku dhan ay warbixinta uu ka hor jeedinayo, mudanayaashuna ay ka dhagaysanayaan uun.

Sidoo kale dastuurku waxa uu sicad u sheegayaa in uu madaxwaynuhu warbinta ka horjeedin karo gollaha wakiilada oo kaliya  Si Waafaqsan Qodobka.46aad Ee Dastuurka oo udhigan sidatan, Khudbadda Qaranka waxa jeedinaya Madaxweynaha kal-fadhiga u horreeya sannad walba, waxayna ka war bixinaysaa: siyaasadda, barnaamijyada Dawladda, dhaqaalaha, xaaladda lacageed & xaaladda nabadgelyada.

waxaana xusid mudan waxii mudanayaashu ay uga baahdaan su,aalo ama waydiimooyinka ay tabayaan ee ay ka dhex helaan mudanayaashu khubada adaxwaynaha waxay xaq ugu leeyihiin inay si hufan u waydiiyaan Masuuliyiinta uu u igmaday adaxwaynuhu si waafaqsan Qodobka.53aad Farqadiisa 7aad. oo u dhigan sidatan.

Sidaas darteed hadii mudanayaashu ay xaq uleeyihiin inay gollaha su,aalo ku dhex waydiiyaan madaxwaynaha dastuurka iyo xeerarkooda ayaa si cad ugu xusi lahaa sida ay ugu xusantahay xeerarka marka qareen ama eedaysane ama maxkamaduhu ay warbixin qof dhiibtay ilaa nooca uu u waydiin karo ayay xeerarku sheegaan, iskusoo wada duuboo xaq uma laha inay su,aalo waydiiyaan waxuunbaa mihiim ah inay ka dhagaystaan.

Ugu danbayn waxaan gollaha Baarlamanka xubnahooga kala duwan ee  su,aalaha u muhanaya waxaan odhanlahaa idinkoo dastuurka iyo xeerarkiisa raacaya horta kuwan haayadaha madaxbanaan ee dastuurku xaqa idiin siiyay horta waajibkiina ka guta, waxiikaleba haynoo danbeeyaane, igaba dhan.

Fiiro Gaara: Waxii shirar jaraa,id ah ee ka baxsan goobahan uu cayimay dastuurku waxay ku xidhantahay sida layskula qaato dastiurkuna muu xusin.

Xaqsoore Waa Alle

Garyaqaan.Yuusuf Biixi”Talasame”