Wixii DHacaayaba DHugta oo Afkiina ka DHawra waxbaa DHacay!. 

Waxa aan Canbaaraynayaa Xadhiga, Jidh-dilka, Caddaadiska, Cago-juglaynta iyo Cabudhinta lagula kacaayo saxaafada madaxa banaan ee Jamhuuriyada Somaliland, waxaanan sigaara u dhaliilayaa wax yeeladii iyo Xadhigii layskugu daray suxufiyiintii Hargeysa ka hawlgalaayey, 

Runtii waa wax laga Xumaado waxa lagula kacaayo Muwaadiniinta ka Hawl gala Saxaafada Madaxa banaan, waxaana isweydiin Mudan Horta waa maxay Suxufiyiin?. 

Suxufiyiintu waa indhaha iyo Dhagaha Bulshada, oo waa Cod-laliyaasha dhawaaqa Muwaadiniinta, oo Suxufiyiintu waa baalasha Caddaaladu ku duusho, oo waa Muraayada Dimuqraadiyada laga Dheehdo, waana Hagayaasha Horumarka Dal, Dawlad iyo Dad gaadhaan. 

Suxufiyiintu waxay taraan Haddii aynu Sooyaalka taariikhda Dalkeenu soomaray Dib u Jaleecno 1988-1991 wixii Dalka ka dhacay Dil, Ciqaab, Kufsi, Boob, Biliiliqo, Burbur, Dumin, Baabiis, Madaafiic laladhaco, Diyaarado Rusheeya, Miino lagu aaso, Qax iyo Cidhibtir Aduunka wax yar Bay gaadhay!, Laakiin 01-04-2022 Dabkii qabsaday Suuqii ugu weynaa Jamhuuriyada Somaliland ee Waaheen ee kuyaalay Caasimada Hargeysa aduunka meel aanu Gaadhin warkiisu ma jiro, Cidda gaadhsiisayna waa Saxaafada ka hawlgasha Somaliland waana wax lagu mahadiyo xilkasnima wax tarka leh ee Dalkooda iyo dadkooda ay u qabtaan, xukuumada Jamhuuriyada Somaliland waxa haboon inay dareento hawsha ay Dalka u hayaan, oo haboontahayna inay Daristo oo barato Siday iskugu soo dhawaan lahaayeen oo ay iskugu xidhmi lahaayeen, ileen wax Soconaaya Runtii maaha Suxufiyiinay wixii DHacaayaba Dhugta oo Afkiina ka Dhawra waxbaa Dhacaye!. 

Illaahay baa Mahad leh 

Midnimana Somaliland 

Fuad Fartaag 

fartaagmuwaadin@gmail.com