MAXAAN U SIIN WEYNAY BAASABOORKA MARAYKANKA

Waxa ay ahayd goor makhrib ah oo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland HE.Muse Bihi, uu joogay hoygiisa uu ka deganyahay Washington D.C, maalin ah Khamiis, March 17.

Waraysi dheer oo 0630 wakhtiga gobolka District of Columbia, ay National Public Radio, ay ka qaaday Madaxweyne Bihi, ayaa la weydiiyey Muse Bihi su’aashan:

National Public Radio: Madaxweyne Bihi, baasaboorkee ayaad ku soo gashay Maraykanka?

Muse Bihi, ayaa u sheegay National Public Radio in uu ku soo galay Baasaboorka Somaliland, kaas oo loogu dhuftay dal-ku galka Maraykanka ( U.S Visa ).

Mellisa Block, oo ah gabadha waraysanaysay Muse Bihi, ayaa iyada oo qiiroonaysa tidhi: ” Madaxweyne waxa aad u adkaysatay oo aad diiday gardarada Shiinaha, waxa aad diiday malaayiin doolar oo si shakhsiyan, laaluush ay kuu siin lahaayeen Shiinaha, waxa aad istaahishaa in baasaboorka Somaliland lagugu daro baasaboor Maraykan ah.Waxa aad istaahishaa in lagu siiyo baasaboorka Maraykanka.

Muse Bihi ayaa qoslay, iyada oo wali uu socdo waraysiga.Waxa uu ahaa waraysi xiiso leh, oo Madaxweyne Bihi uu muujiyey kalsooni dheeraad ah.