Guul Madaxweynaha Somaliland, Qore Mukhtar Cilmi

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi Wabarakaato. 

Run ahaan eryada maanta ka soo yeedhaya dad iska hadla ay ka mid yihiin golaha wada tashiga iyo shakhsiyaad ka soo jeeda Xisbiyada Mucaaridka ahi waa qaar aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanay ceeb iyo yasid ku yihiin garaadka iyo caqliga bulshada reer Somaliland oo ah ummad ilbax ah oo aqoon leh oo aan si yar loo siri karin, dadkaas  waxay shacabka Somaliland moodayaan ina yihiin adhi ama xoolo kolba dhinac loo kaxayn karo,  waxaana haya xaasidnimo iyo xil jacayl, camarad tusnimo ,runtina waana dad xun xun oo ka fakarin danta qadiyadda Somaliland. 

Madaxweyne muuse biixi cabdi oo aanay daruuri ahayn inaynu taariikhdiisa halkan kusoo bandhigno, maadaama shicibka  reer Somaliland ay ogsoon tahay, hadana waxaa xusid mudan in Madaxweyne muuse biixi uu ahaa Geesi ka damqaday xasuuqii iyo cidhib tirkii lagu hayay somaliland, isaga oo shacabkiisa ku hogaamiyay inay ka dhiidhiyaan oo ay iska xoreeyaan Taliskii haligmay ee Siyaad Barre.

Madaxweyne muuse biixi halgankiisii sharafta lahaa uu taariikhda Somaliland kaga xardhan yahay baal Dahab ah, Iyada oo Madaxweyne muuse uu ilaa maanto wali ku jiro halgankii umadiisa oo ay kow ka tahay sidii uu Qarankeena Aqoonsi buuxa ugu heli lahaa, halka kuwo badan oo maanta Madaxweyne muuse ku eedaynayaa ay ahaayeen qaar Muqdisho uu shaqeenayay markii uu muuse biixi qoriga garabka ku sitay ee uu dalkiisa iyo sharafta umaddiisa xoraynayay.

Ugu danbayn Xisbiyada Mucaaridka iyo kuwaa wax qora baa waxaa loga baahan yahay inay u dhaqmaan si masuuliyad ay ku jirto, kana gudbaan murankan ah ee nusqaanta usoo jiidaya qaranimada Somaliland ,waxaana lagama maarmaan ah in iyaago ay ku daba faylaan xukuumaddooda si ay oo heli lahayd aqoonsi buuxada Somaliland iyo horumarna loo gaadhsiin lahaa dalkeena ee qaaliga ah.

bulshada Somaliland ee geesiyiinta ahna waxaa la gudboon inay ka hor yimaadaan cid kasta oo isku dayda inay kala qaybiso oo ay wiiqdo hanaankooda dawladdnimo iyo xornimada ay maanta haystaan ee ay usoo mareen wadada dheer ee dhiiga lahayed.

Qore Mukhtar Cilmi

mukhtarcilmi@hotmail.com