Muhiimadda Safarka Weftiga Madaxweynaha Somaliland ee Maraykanka

Safarka dalka Maraykanka ee Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi waa mid muhiimad weyn u leh Somaliland, isla markaana fursado haddeer ah iyo kuwo mustaqbal oo weyn leh.

Madaxweynuhu waxa uu kulamo la yeelan doonaa xubno muhiim ah oo ka tirsan Congresska Maraykanka, xubno ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Biden, ururrada bulshada iyo ganacsatada dalkaasi.

Waxa uu Madaxweynu hadal ku aaddan xidhiidhka dawladda Marayanka iyo Somaliland ka jeedin doonaa The Heritage Foundation – oo ay ku midaysan yihiin kooxda ugu saamaynta badan Konserfatifka dalka Maraykanku.

Machadka The Heritage Foundation, waxa uu kaalin weyn ka qaatay sidii uu xogo xasaasi ah uga bixin lahaa arrimihii u dhexeeyey Sudan iyo South Sudan. Waxay ay qabteen doodo iyo kulamo ay kaga hadlayeen madax bannaanida South Sudan oo ay ka mid tahay cilmi baadhistoodii ahayd “Aftida Koonfurta Suudaan iyo waddada madax-bannaanida.”

In ka badan 100 khabiir siyaasadeed iyo cilmi-baadhayaal ka tirsan machadkan ayaa aaraah iyo afkaaro siyaasadeed ka hor jeediya Congresska iyo Senate ka dalka Maraykanka si ay uga caawiyaan in ay gaadhaan go’aamo xoggogaalnimo ku salaysan oo ku aaddan mabaa’diida dalka Maraykanka sida dimuquraadiyadda iyo xorriyatul-qawlka oo Somaliland ay tahay dalalka yar ee Afrika horseedka ka ah arrimahaasi.

Iyagoo saamayntooda goleyaasha dalka Maraykanka caddaynaysa, waxa ay Heritage Foundation ku daabaceen mareegtooda usbuucan “Joel Griffith oo ka tirsan Machadka Cilmi-baadhista Heritage Foundation ayaa ka hor marag kacay Guddiga Senate-ka Mareykanka ee Bangiyada, Guriyeynta iyo arrimaha magaalooyinka laba jeer hal toddobaad gudaheed.”

La hadalka iyo xogsiinta khubarada wax ku soo kordhiya Scholarship ka adduunku waxay muhiim u tahay in qadiyadda Somaliland ay gaadho meelo badan oo saamayn leh – waxa aan safarka Madaxweynaha iyo weftigiisaba u rajaynayaa guul horseeda dawladnimada Somaliland horumar iyo tixgelin.

Agaasime Guud ee Wasaaradda Shaqogelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland
Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan