Hanti ururso mooyee wax kale kuma itaalaane, Tix

WQ Osam Gucure

Abaaraa Dhulkii lagu saliday aad ahoo ba,ane

Omos baa ka kacay Kaymihii uduga weynaaye

Haday Ubaxyo laac weyn lahayd laga awaareeye

Wixii Ayro Geel foofi jirey aaga laga waaye

Ahminkii ka madhey Reerihii aad ahaan jireye

Isha biligleh Maatida Raqdii ku ag wareegaysa

Umulaha sedkoodii go,ye oon la ledi waayey

Ooniyo haraad loo dhintiyo Sebiga ooyaaya

Ilmadooda waa lagu gubtaa yowmka aakhiro,e

kuwii loo igmadey Maatadee amarka loo dhiibey

Arinkoodu waa Boqoradii waa la aaminaye

Ee Oosha wada moodey teeda ay ku istareexdaaye

Ee markii ergada loogu tegey yaabtay amakaage

Ee aayaruun Beeshii tidhi Keega iibsada

Hanti ururso mooyee wax kale kuma itaalaane

Aduun waxay ku bixiyaan Xaflado aabohood go,ye

Islaam baa lamoodaa ninyohow guudka oogada,e

Arxankiina waa laga masaxay saad u aragtaane

Waxay ku andacoodaan majiro kaar aloosaniye

Ololuhu markuu taaganyee Codad la eegaayo

Afarqaad waxaa lagu tagaa Aag walbiyo Buure

Markase ay Abaaruhu dhacaan laysu iman waaye

Ambad weeye Muusiyo Raguu soo agaasimey

WQ Osam Gucure