Kuma ayuu ahaa Taliyaha Ciidanka ILaalada Madaxtooyada JSL?

Waayihiisii xabsiga, Halgankii dib u xoraynta aqoontii ciidan iyo xilalkii uu soo qabtay.

Gaashaanle Sare Muuse Cilmi Faarax waxa uu ka mid ahaa khubarada ciidanka milatariga ee Somaliland Waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii Dawladii Kali-taliska ahayd ee Soomaaliya wakhtigeedii culuumta milatariga ku soo bartay dalwaynihii Midawga Soofiyeeti Ama Ruushka, Sidoo kale waxa wax uu Culuumta Milatariga ku soo bartay dalka Masar wakhtigii uu ka talinayay madaxweynihii Anwar Al-Saadaat.

Intaas kadib, Kaligii-Taliyihii Soomaaliya ee Maxamed-Siyaad Barre ayaa dil toogasho ah ku xukumay Saraakiil Reer Soomaliland ah oo uu ka mid ahaa Gaashaanle Sare Muuse Cilmi Faarax oo isla wakhtigaas haystay darashada Gaashaanle Sare. Saraakiishan ayaa lagu xidhay xeradii Ayaxa ama Hangashta loo yaqaanay Kuwaas oo dawladii kacaanku ay ku eedaysay in ay maleegayeen qorshe ka dhan ah waxa ay ugu yeedheen qaranka Soomaaliyeed islamarkaana ay yihiin Xubno Ka tirsan ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaliyeed ee SNM oo markaas ay socotay hawshii lagu aasaasayay.

Taliye muuse cilmi Faarax iyo Saraakiishii ay isku xukunka ahaayeenba waxa ay ka bad-baadeen dilkii toogashada ahaa kadib iskuday guulaystay oo ay ku sii daysay Haayada Caalamiga ah ee Amnesty International.

Soo dayntiisii Xabsiga kadib, waxa uu maalin cad soo abaabulay oo xamar ka soo saaray 14kii sarkaal ee ugu horeeyay wax ka soo goosta dawladii Kaligeed-Taliska ahayd. Saraakiishan oo uu Hogaamineyay Taliye Muuse waxa ka mid ahaa Cabdilaahi Darawal iyo Ismaaciil Shaqale. Saraakiishan goosadka ahayd ayaa uu ka soo kaxeeyay Muqdisho isaga oo Si kaartaysan u soo mariyay Beledwayne, Maardhis, Mustaxiil, Qalaafe, Goday, Qabridahare, Dhagax-buur, Awaare, Gaashaanta, Abokor illaa Kaam-Barwaaqo. Waxa xusid mudan Maskaxda iyo Qarashkii Ku baxay 14kaa sarkaal ee ugu horeeyay wax soo baxa SNM in uu iska lahaa Taliye Muuse Cilmi Faarax.

Markii uu saraakiishaas soo saaray kadib, waxa uu Hormuud ka noqday halgankii dalka lagu Xoraynayay, waxaana uu islamarkiiba Abaanduule ka noqday qaybtii Lixaad ee URURKII SNM saldhigii Ku yaalay Buuralayda Silsilada Golis ee tuulada Isku-Dar oo ka tirsan Degmada sheekh. Isagoo dagaaladiisii ugu horeeyay ka galay deegaanada ku teedsan Burco, Berbera, Oodwayne, Cadaadlay iyo Dhamaan deegaanada u dhaxeeya.

Intaas kadib, waxa uu qayb libaax ka qaatay dagaalkii Berbera lagu qabsaday ee faqashta loogu quus gooyay ee La magac baxay SABRIYE.

Xorayntii waddanka Kadib, waxaa uu Gaashaanle Sare Muuse Cilmi Faarax qayb wayn ka soo qaatay qaramayntii iyo aasaaskii ciidanka Qaranka, isaga oo ahaa ninka General Ismaaciil Shaqalle ku labaynayay diwaangalintii guutooyinkii koowaad iyo Labaad ee Ciidanka Qaranka JSL, waxaana uu markiiba uu taliye ka noqday guutadii Labaad ee ciidanka Qaranka Somaliland.

Hadaba Taliye Muuse Ciidanka ILaalada Madaxtooyadu marka laga yimaado Halgankii SNM, Xilalka iyo Jagooyinka uu ciidanka Qaranka Somaliland Ka soo qabtay waxa ka mid ah:

1)Abaanduulaha ciidanka Difaaca Cirka JSL.
2) Hogaanta Wacyigalinta Taliska guud ee JSL.
3) Abaanduulaha Kuliyada Tababarka ciidanka Qaranka ee Abdillaahi Askar ee Dararwayne.

4) Taaliyaha Aaga galbeed ee ciidanka Qaranka JSL kuna guulaystay soo xeerayntii Jabhadii Suldaan Wabar ee ku soo gabagabawday tuulada degmo-Laqas ee gobolka Awdal.
5) Taliyaha Ciidanka ILaalada Madaxtooyada Jsl ee wakhti xaadirkan.

Eebow u naxariiso samir iyo iimaan saaadiq ah qoyskii iyo qaraabadii.

Oodweyne