DHISMAHA CIIDAMMADA BADDA ITOOBIYA!

Waxa qoray Eng. Xuseen-dayr, Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Afhayeenkii hore Madaxtooyada xukuumaddii Siilaanyo

Sannadihii ugu dambeeyey Itoobiya waxay ku dhaqaaqday arrin ay ugu yeedhay Dhismaha iyo Tababarka Ciidammada Badda ee ugu taagta iyo tunka weyn Geeska Afrika oo tusaale u noqon doona dalalka ay Itoobiya ooddu u kala rogan tahay.

Waxaynu ognahay in Itoobiya aanay lahayn wax bad ah, sidoo kalena aannu jiri marin ay Itoobiya maamusho oo si toos ugu aroora badda. Haddana hammiga iyo haloosiga dwladda uu gadh-wadeenka ka yahay Abiy Ahmed waxa ku jira in ay yeelato Ciidammada Badda oo loogu talogalay ilaalinta danaha xagga badaha iyo xeebaha ee dalkaas.

Dhinaca kale, dawladda Itoobiya waxay dhowaan iskaashi millatari oo xagga badda ah la gashay dalka Ruushka si loo tayeeyo khibradda iyo awoodda ciidammadeeda cusub ee Badda.

1) Ciidammada Badda ee Itoobiya halkee ayey degeyaan?

  1. Waa ayo cidda loola dan leeyahay Ciidammada Badda ee Itoobiya ku hammiyeyso?

Waa arrin u baahan in si weyn loogu baraarugo.

Fadlan ka dhiibo aragtidaada.