Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan

Xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Taiwan waxa uu noqon karaa mid manfac iyo badhaadhe u horseeda labada dhinacba. Taiwan inkasta oo aanay aqoonsi caalami ah haysan, haddana waa Waddan horumar balaadhan ka sameeyay dhinaca Tiknoolajiyadda, koboca dhaqaalaha iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee damaanad qaada xoriyadda muwaadiniinta.

Taiwan waxa ay kaalinta Sideedaad (8) kaga jirta qaaradda Aasiya marka la eego awoodda wax iibsi ee dadkeeda (Purchasing Power Parity) Adduunka oo dhanna waxa ay kaga jirtaa kaalinta 18aad. Taiwan waxa ay tusaale u tahay in Waddamada aan aqoonsiga diblomaasiga ah haysan ay horumar balaadhan ka samayn karaan adeegsiinta bulshadooda iyo kobcinta dhaqaalahooda.

Somaliland casharo badan ayay tahay in ay ka barato Taiwan. Inkasta oo ay taageero ka hesho waddamada reer galbeedka, haddana waxa ay inbadan u babac dhigaysay culayska siyaasadeed iyo dhaqaale ee uu ku hayo Shiinuhu.

Taiwan waxa ay Somaliland ka taageeri kartaa dhinaca Tiknoolajiyadda, wax-soosaarka, caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka iyo sahaminta shiidaalka iyo macdanta.

Dawladda Somaliland oo maanta wafti wasiiro heerkoodu sareeyo gaadheen Taiwan, waxa looga baahanyahay in ay si macno leh uga faaidayso xidhiidhka dalka Taiwan oo u muuqda in uu yahay waddan u heelan sidii uu gacan u siin lahaa Somaliland.

Waxa qoray Anwar Warsame, Guddoomiyaha SONSAF.