Siraha ku xeeran magac dilka Dr Gaboose iyo ka baqista Ismail Buubaa ee Xisbiga Waddani.

Muwaadin labadani waa laba oday ama aqoonyahan oo ka midda labeenta iyo haldoorka Ummadeenna.

Xaq ayey u leeyahiin hogaaminta dalkoodda iyo dadkoodda, weyna mudanyahiin runtii inay fursadaa Ummadda ka helaan.

Hadaba, maxaa Dr Gaboose siyaasiyan loo diley, Ismaaciil buubaanna loogga baqay?

Siyaasi Professor Ismaaciil Mohamed Hure Buubaa waxuu ogyahay dhirta Xisbiga Waddani xabagta ka gurto oo waa laga baqay hadii laysku taabto inuu sirtaa qarxiyo.

Laakiin, Dr Mohamed Abdi Gaboose ayuu Xisbiga Waddani ku itaalay, oo ceebtiisa dibadda soo dhigay, isagoo ula jeedo inuu bahdilo ama shacabka reer Somaliland Dhakhtarka ka hor keenno.

Waxba ma taransan Xisbiga Waddani ee arin daboolayd, ayuu daboolka ka qaaday- waa hadaladii shirkii Gacan Libaax ee Beesha gaarka u ahaa, ayey shacabka Somaliland la wadaageen.

Aqoon gaabkii hadalkaa faafiyey waxuu dhaawac weyn gaadhsiiyey sadex qolo.

1 Siyaasiyiin,

2- Xisbiga Waddani

3- iyo Beesha lafteedda.

Maanta Xukumad iyo shacab waxaa Toosha lagu raadinayaa hadaladii Buurta Gacan Libaax ee Beesha oo runtii rag badan ceeb weyn iyo candho ku noqon doonna.

Xukumadda iyo shacabku waxay leeyahiin hadalkii hebel ee Buurta Gacan Libaax ii keenna.

Ceeb Alle haynaga hayee, Ismaaciil Mohamed Hure Buubaa waxaa looga baqay Waddani ayuu ogyahay dhirta ay ka xabkaystaan- laakiin Dr Gaboose waa lagu itaalay runtii.

Beel ma jirto Somaliland iska raacday, laakiin wey jiraan shaqsiyaad aan cidina wax u dhiiban karin, oo runtii cid kasta leh.

Kuwaasi oo ka madhan daacadnimadda iyo Qarannimadda, waxba yaan Beel lagu gaban, ee nin weliba sixirkiisa ayuu sayladda Siyaasadda ka bixi doonnaa.

Nin Ummaddu ay ogoshahay iyo nin ayna ogolayn, kaasi ayaa reernimo ku meeraysta ay Ummaddu diido.

Ka baqista Professor Buubaa iyo magac dilka Dr Gaboose waxay daaranyahay inuu Buubaa wax badan ogyahay runtii.

Professor Buubaa waxuu ogyahay Waddani iyo cidduu la haysto iyo dhirta uu xabagta ka goosto.

Abdilahi Hassan.