Sheeko iyo Shaahid laguma arag ee yaan la shaashayn!

WQ: Xuseen Cali Nuur.
Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo maalintii halgan hubaysan ay xornimadeeda kula soo noqotay, waxay ku dhaqaaqday, fulisayna arrimo badan oo aan hore dunida loogu arag. Kuwaasi oo ay ugu horeysay Jabhaddii SNM oo talada dalka isku koobin, balse la wadaagtay dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Qaab dhaqameedkan iyo kuwii ka dambeeyey waxay ahaayeen kuwo gogosha u xaadhay dhacdooyin badan oo aanay dunidu is lahayn, dalkan dhaqaalaha kooban leh ee taageerada dunida ka helaa tahay mid u dhow mid aan jirin.
Waxa dhawaan xukuumadda Somaliland bilowday qaab dhaqameed aanay lahayn dalalka dunida ee nidaamyada kala duwan ku dhaqma. Nidaamyadaa oo ah Boqortooyo, Hanti wadaag, Shuuciyad, diktaatooriyad iyo dimoqraadiyadba.
Nidaamkan ka bilowday Jamhuuriyadda Somaliland oo aan hore loo arkin, waxaan filayaa inuu noqon doono mid dalku u aayo, lagagana badbaado carqalado badan, horumarna dalka gaadhsiiya. Waana sababta aan u lee yahay, “SHEEKO IYO SHAAHID LAGUMA ARAGE YAAN LA SHAASHAYN.”
Dhammaan nidaamyada kala duwan ee ay dunidu ku dhaqanto, waxay leeyihiin qaab xisaabeed. Qaabkaas oo ku kooban hay’adaha loo xil saaray. Waxa soo raaca in doodo mawduucyo kooban oo ay warbaahintu u soo qaban qaabiso. Waxaana arrinta ku biirta dhacdo ama mawduuc ay waraysi Suxufiyiintu la yeeshaan.
La xisaabtanka madaxda dawladda iyo xukuumaduhu wuxuu u badan yahay xilliyada doorashada la qabanayo. Xilligaa oo caado u ah murashaxiintu inay ballamo badan shacbiga u qaadaan, waxa badanaa ka fulaana ay kooban yihiin.
Jamhuuriyadda Somaliland xilligan abaabul doorasho ama doorasho kuma jirto. Waxa se xukuumaddu bilowday inay shacbiga u soo bandhigto  waxa ay qabatay. Arrintaasi waxay fursad  u siisay in Wasiir kasta waxqabadka Wasaaraddiisa shacbiga u soo bandhigo. Shacbiguna waxa uu sheego wax ka waydiiyaan oo ay la xisaabtamaan.
La xisaabtanka shacbi ee noocan ahi waa mid aan hore dunida loogu arag. Waa mid cusub, waxase loo baahan yahay in laga faa’iidaysto.
Waxay ila tahay waxbaa naloo sheegayaa, waxna waan waydiinaynaa, way noo socotaa. Waxase lanooga baahan yahay in aan dabagal ku samayno, aan hubino waxa na loo sheegayaa inay run yihiin iyo in kale.
Waxa arrintani fursad aan dunida hore u soo marin siinaysaa warbaahinta guud iyo baraha bulshada inta adeegsata. Waxaana laga sugayaa inay xaqiiqda ay raadiyaan hubiyaanna.Waxa ay arkaanna shacbiga u gudbiyaan.
Waxaan Suxufiyiinta leeyahay hawshani maaha mid shaqsi ama koox ama urur iyo xisbi loo qabanayo. Waase mid Qaran, waa mid muujinaysa muwaadinnimadeenna iyo dal jacaylkeenna. Waxaana loo baahan yahay:
• In xaqiiqda oo la sheego ay shacbiga kalsoonidiisa kor u qaadayso.
• Waxa lagu ogaanayaa khayraadka dalkeena ku jira.
• Waxa ay Meesha ka saaraysaa u hanqal taaga tahriibka ee da’yarteena.
• Waxay xoojinaysaa midnimada shacbiga iyo Inaan wax qabasan karno.
• Waxay shacbiga ka badbaadinaysaa dacaayadaha beenta ah.
• Waxaanay muujin doontaa xornimada Saxaafadda iyo awooddeenna.
Waxaan leeyahay dhacdada lagu soo bandhigayo, waxna lagu waydiinayo, waxqabadka xukuumadda iyo la xisaabtanka shacbi waa mid aan sheeko iyo shaahid lagu arag ee yaan la shaashayn.