Taariikh Nolloleedkii Marxuun Dr.Axmed Xasan Goole

Allaah ha u naxariistee marxuum Dr. Axmed Xasan Goole  oo ahaa aqoonyahan bartay cilmiga caafimaadka cudurrada ku dhaca haweenka iyo habka maareynta ayaa sabtidii oo  taariikhdu ahayd 22-kii bishan aamin la’a ee sannadkan 2022-ka ku geeriyooday Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana waxa Axadii  maanta oo ay taariikhdu ahayd 23-kii bishan aamin la’a ee sannadkan 2022-ka  lagu aasay xabaalaha masalaha ee caasimadda Hargeysa.

Dr. Axmed waxa uu ahaa ruug-cadaa karti, hufnaan iyo waayo aragnimo dheer u lahaa habka maareynta iyo nidaamka caafimaadka, waxaanu ahaa rukun ka mid ahaa rukunadii soo yagleelay taabo-galinta nidaamka maamul ee ay maanta ku dhisan tahay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, gaar ahaan caafimaadka gobolka maroodijeex ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Marxuunku waxa uu ku dhashay Caasimadda Hargeysa Sannadkii Olol-dheere ee sannadkii 1950-kii, yaraantiisii waxa uu waxbarashadiisii dugsiga hoose/ dhexe ku soo qaatay Sheekh bashiir, halka dugsigiisii sarena uu ka soo baxay dugsigii Farsamada gacanta, ka dib, waxa uu galay Jaamacada Culuunta Caafimaadka.

Markii uu dhameystay jaamacada waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay gobollo ka mid ahaa Soomaaliya, markii dambena waxa uu agaasime ka noqday Cusbitaal ku yaalay magaalada Boosaaso ee Dalka Soomaaliya, ka dib, markii ay xornimaddeedii la soo noqotay Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ee ay burburtay xukumaddii taliskii siyaad barre, waxa loo magacaabay Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex sannadkii 1991-kii illaa iyo sannadkii 1994-kii, isla wakhtigaas waxa uu ahaa sarkaalka u qaabilsan dhinaca farsamada xirfadda caafimaadka bulshada, nadaafadda  iyo fayo-dhowrka ee Dowladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa.

Markii uu dhacay dagaalkii sokeeye waxa uu qeyb laxaad leh ka qaatay in uu gaadhsiiyo adeeg caafimaad iyo dawooyin dhamaan goobaha adeegyada caafimaadka ee ku yaalay deegaanadii dadku u barakaceen sannadkii 1994-kii, Dr. Axmed waxa muddo sannad ahayd uu noqday ku simaha iskuduwaha caafimaadka gobolka sannadkii 1995-kii ilaa iyo 1996-kii, haddana waxa loo magacaabay kormeeraha nidaamka kharashaadka goobaha adeegyada caafimaadka sannadkii 1997-kii ilaa iyo sannadkii 1998-kii, ka dib, waxa loo magacaabay Agaasimaha waaxda adeega caafimaadka ee wasaaradda horumarinta caafimaadka sannadkii 1999-kii ilaa iyo 2000-kii,  mar kale waxa loo magacaabay madaxa nafaqada qaranka ee wasaaradda horumarinta caafimaadka sannadkii 2001-kii illaa iyo sannadkii 2004-kii.

Dr. Axmed waxa loo magacaabay Iskuduwaha caafimaadka gobolka maroodijeex sannadkii 2005-kii, isagoo iskuduwaha ah ayaa loo magacaabay xilka jagada wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha oo uu xilkaa hayey muddo aad u koobneyd, waxaana xilka iskuduwenimo laga qaaday bishii May-27-keedii sannadkii 2012-kii.

Dr.Axmed waxa uu ahaa rukunadii dajiyey dib-u habeynta waaxyaha caafimaadka, xeerarka, siyaasadaha, iyo nidaamka maanta ay ku shaqeyso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka,

Allaah ha u naxariistee marxuunkaasi  waxa uu guursaday hal dumar ah oo u  dhashay sagaal caruur ah (Todoba wiil iyo Laba hablood), waxaanu marxuunkaasi lagu aasay xabaalaha ku yaala Koonfurta  Caasimadda Hargeysa.

Anigoo ku hadlaaya magacayga iyo magaca shaqaalaha Cusbitaalka Dr. Idiris Xaaji Nuur ee Teaching Hospital iyo Hay’adda Caafimaadka Caruurta Adduunka ee loo soo gaabiyo UNICEF, gaar ahaan qeybta xakameynta cudurka duumada iyo waxaanu tacsi u diraynaa qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay marxuun Axmed Xasan Goole in uu Eebe  samir iyo iimaan ka siiyo iyo dhamaan idilkeenba, waxa kale oo Alle (SWT) ugaga baryaynaa in uu geeyo Janatul Fardowsa. Aamiin. Aamiin. Aamiin.

Maxamed Faarax Qoti