ORGIGII BIILKA JOOGTADA Ah LOO QORAY: Muuse Jaambiir    

Waqtigu wuxuu ahaa sideetanaadkii. Waxa loo soo magacaabay Xoghayaha Dawladda Hoose ee Gebilay. Wuxuu maamuli jiray miisaaniyadda degmada, oo ahayd hadba inta loo garto ee Xamar ka timaada. Dhiiqdu halkaasay wada tegi jirtay dalka oo dhan, kadibna laga soo qaybin jiray. Gobolba intii qaybiyuhu u garto, ayaa markaa loo diri jiray. Eexdu, waxay ahayd kefed lagu wada khasbanaa qaybinteeda, midkay qadisana qosol maahee, qamuunyo lagama ogolayn. Waqtigaasuu Maxamed tegay Gebilay, oo uu shaqo ka bilaabay. Wuxuu ahaa nin aragti dheer, aftahana, hal abuura, isla markaana leh khibrad maamul, aqoon ahaan iyo farsamo ahaanba. Wuxuu dhawrayay dalabyada aasaasiga ee bulshada ka yimaada, si wax looga qabto. Wuxuu filayay dad xuquuqdooda garanaya, oo waxay dawladda xaq ugu leeyihiin fahmaya. Siduu ka naawilayay ayuu hore uga arki waayay dadkii deegaanka. La yaab bay ku noqotay, laakiin kumuu sii mashquulin tooda ee tiisuu iska watay. Kabadh uu duhurkii jaadka ka qaadan jiray ayuu maalintii dambe yimi, markuu shaqadii ka rawaxay. Orgi Gadhcase ahaa oo halkaa agtaagnaa ayuu arkay. Muuqiisa, maalintaasi ugumay horayn  oo dhawr goor oo horeba halkaa wuu ku arkay, laakiin, markan daymo xujo ayuu ku fiirshay. Kiiyoo laan mid ka dhacday la booday, oo gees isu baydhiyay ayuu u tegay. Intuu kadaloobsaday oo gadhka qabtay, ayuu sidii laba qof oo wada hadlaya ula  sheekaystay. Rag dhawr ah oo Kolayga jaad ka qaadanayay ayaa farta isugu fiiqay hawshuu hayay. Qiyaastii way la yaabanaayeen ficilkiisa goortaa, balse Isagu isma dareensiin oo wuxuu sii watay wada hadalkii uu Gadhcase  la lahaa. Amar Alla; Orgiga laftiisu wuxuu u muuqday, mid afgaranaya masuulka oo sheekada dhankiisa ka jilaya. Gacantiisuu durba la qabsaday oo ku xasilay. Isfaham kadib, Xoghayihii intuu kadaloobkii ka hinqaday ayuu ku yidhi; “Gadhcase, ina keen saaxiib”. Cajab! Orgigii sidii nin fahmay buu dhego fudud ku daba galay. Kabadhkii jaadkaa la tegay, laba marduuf oo jaad ah ayuu ka qaaday. Mar kaluu faray inuu soo raaco, weger! Isna kama hadhin ee wuu daba galay, sidaasay ku tageen halkuu fadhiisan jiray Xoghayuhu. Salka intaanuu dhiginba, wuxuu Gadhcase siiyey marduufkiisii. Mijin mijin markuu afka ugu qabtay ee uu diirtay ayuu dabadeed nabadgalyeeyay oo uu ku yidhi; “Waa ku kaa, waa inoo beri iyo halkii aynu iska soo raacnay saaxiib.” Isna (Orgigii) hawraarsan sidii qof fahmay intuu yidhi;   ayuu jalleeco ku sagootiyay. Laga bilaabo maalintaa, masaariif joogto ah buu u qoray Orgigii. Odayaashii magaalada iyo dad kale oo deegaanka ka mid ahaa, oo maalin walba arka isagoo Orgiga jaad siinaya, ayaa ka fajacay hab dhaqanka Xoghayaha cusub. Goor dambe oo warkiisa lays gaadhsiiyay, ayaa odayaasha qaarkood u tageen oo warsadeen ujeedkiisa iyo sababta uu Orgiga jaadka u siiyo.” Kuye Xoghayihii; “Aniga, reer Gebilay cid ii timi oo wax i waydiisatay Orgigaasaa jira. Isagu, wuxuu fahmay wuxuu dawladda xaq ugu leeyayahay ee ka maqan, deedna cabashuu iila yimi, laakiin idinku ma garanaysaan waxaa xaq ugu leedihiin. Markaa, sababta aan masaariifta ugu qoray, waa taa ii kiin keentay. Haddana; waxaan idiin leeyahay,  waar wax soo qorta oo xaafad waliba baahideeda ugu daran ha ka hadasho.”.
Xilligaasi, mid adag oo dadka gobolka guhaad badan ku hayuu ahaa. Wax loo doonto daayoo, waaba laga didayay, oo mid fahmayay iyo mid kaleba, cabsi ku nool baa la ahaa. Wuxuu ahaaba kaasi tag oo maanta ma joogo, waxse ka nool su’aalahan; Maxaa iska beddelay faham darradii xilligaa dadka ka haysay xuquuqdooda dawliga ah? Hadda ma kala yaqaaniin waxay xaq ugu leeyihiin iyo waxa xaq loogu leeyahay? Mid ay tahayba akhriste, sababee aragtidaa.

Qalinka: Muuse  Faarax Jaambiir
FG: Curin ka soo jeeda xigashada dhacdo uu iiga waramay goobjooge reer Gebilay ah.