Shaqadii Dekeda Berbera oo 2022 -ka aan Kartoon Laga Cashuurin.

Kadib Shirkada Maamusha Marsada Berbera ee Dp World Markii ay lacago Cusub ku soo rogtay Ganacsatada lacago hore ay uga qaadi jirtayna ay ku kordhisay.

Ganacsatadii Alaalbta ka cashuuran jirtay Dekeda Berbera ayaa gebi ahaanba joojisay in ay wax cashuuraan waxaana taagan shaqadii dekeda Berbera marka laga reebo in laga soo raraayay Badeecadihii hore ee la cashuuray dabayaaqadii sanadkii dhamaaday ee 2021.

Xukuumada Somaliland ayaan weli  ka hadlin arintaas waxaana magaalada Berbera guud ahaanba Somaliland laga dareemayaa shaqada ka taagan marsada.

Qalinkii  Suxufi Gamuute Cumar Kujoog