Maxaa laga dhaxlay Xanibaadii Suez Canal ?

Wixii ka Danbeeyey Xanibaadii Suez Canal ka ee March 2021 ee  markabkii MV Ever Given waxa aduunka oo dhan laga dareemay u  nuglaanta Suuqyada Caalamka Ee caqabad ku timaada marinka Suez Canal.

Qiimaha Badeecadaha daruuriga ah oo qaali noqda iyo noocyada kala Duwan Crude Oil ka oo saamayn wayn  ku yeelanaya Suuqyada Caalamka   hadii Markale uu xanibmo marinka Suez Canal ka oo uu maro Ganacsiga Europe iyo Asia inta ugu badani.

Israel iyo Imaaradku  waxay qorshaynayaan marin Suez Canal ka lamida oo dhex mara Israel toos na ugu xidhma Bada Madaw iyo yurub.

Europe iyo Asia waxay iyaguna  xooga saareen in Dal walba fududeeyo Isu socodka Ganacsiga maraya jid Xadiidka cusub  oo hada bilaw ah isticmaalkiisu taasina waxay hoos u Dhigaysaa ku tiirsanantii marinka bada maadama khadka tareenku ka dhaqso badan yahay kana jaban yahay marinka bada.

Geeska Afrika xasilooni daro iyo khilaaf hogaamiyeeyasha  siyaasada u dhexeeya  ayaa ka jiray sanadkii tegay si gaara ah Colaada Ethiopia iyo Xayiraadaha la saaray Ganacsigii Ethiopia waxay xoog u wiiqday kobocii dhaqaale ee xawliga ku socday ee Djibouti iyo Ethiopia., Somalia way isu hub urursanaysaa ilaa hada heer Madaxtooyadii Ciidamadii nabad ilaalintu la wareegtay amaabkeeeda  xaalada jirta awgeed.

Somaliland dadkii dulqaadkii hore malaha waanay  guuxaysaa goaanka maxkamadu go’aamisa  samayn wayn oo rag badani sakhirnayaan ayaa ka iman karta.

Markaynu soo koobno dunida Meelahaa qaar na Hogaamiyeyaashoodii siyaasadu Infrastructure development iyo, Economic Integrations, Technological Innovations, Public Housing,Resilience, Climate Change Mitigation, dadkooda khuseeya ayaa laga wada shaqaynayaa iyo Barwaaqada Dadkooda  halka Geeska Africana Kursiga fuulistiisa iyo doorashooyin uu Dhiig badan u daatay qaarna hada liq liqanayaan waana garaadka Hogaamiyeyaasha siyaasada u haya qolo walba..

WQ Axmed Cabdi Muuse