Maxay wadaagaan FARMAAJO, ABIY IYO AFEWERKI?

W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr), Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Somaliland.

Marka aad si dhab ah ugu fiirsato hab-dhaqanka, qaabka hoggaamineed iyo hannaanka go’aan qaadasho ee ay ka siman yihiin ABIY AHMED, ISAIAS AFWERKI IYO FARMAAJO; waxa kuu soo baxaya tilmaamo cadowtinimo oo qoto dheer oo ay wadaagaan saddexdan hoggaamiye, kuwaasoo khatar weyn ku ah nabada iyo xasilloonida shucuubta iyo dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

DAMIIR ahaan, DAREEN ahaan iyo DAMQASHO ahaanba, tilmaamaha ama calaamadaha werwerka leh ee ay wadaagaan saddexdan hoggaamiye waa kuwo si cad u muujinaya halista iyo cadaawadda ku jirta ee ka dhex guuxaysa saddexdan hoggaamiye.

Qaabka fikirkooda xaqiiqda ka fog, hab-dhaqankooda kali-talisnimo, haloosigooda beenta ah iyo diir-nax la’aanta ka muuqata Abiy Ahmed, Isaias Afwerki iyo Farmaajo waxay ku xasuusinaysaa hoggaamiyeyaal dunida soo maray 80 sanno ka hor oo ku caan baxay arxan darro, taariikhdana ku galay gumaad aan xad lahayn oo ay u geysteen malaayiin qof (Adolf Hitler -Germany, Benito Mussolini-Italy iyo Joseph Stalin-Russia).

Haddaba, shanta (5) arrimood ee werwerka leh ee ay ka midaysan yihiin saddexdan hoggaamiye, hab-dhaqankoodana laga dheehan karo waxa ka mid ah:

1. Ma daneeyaan, kamana damqadaan colaadaha, macaluusha, dhibta iyo dhiillada joogtada ah ee haysata ummadooda. Si kastaba ha ku fushee mar haddii ay fulayso danta gaarka ah ee ay leeyihiin, kama diir-naxaan dilka iyo xasuuqa loo gaystay boqollaalka kun ee qof iyo bara-kaca iyo macaluusha haysata malaayiin qof.

2. Badanaa waxay qaataan go’aano degdeg ah, laab-la-kac ah oo iyaga ku kooban oo aan ku dhisnayn aragti iyo talo sax ah, kuwaasoo marka dambe saamayn xun ku yeesha nolosha bulshadooda. Marka go’aamadii ay qaateen ay socon waayaan ama ay qaldamaan, halkii ay iyagu qaadan lahaayeen masuuliyadda qaladkaa dhacay, mar walba cid kale ayey eedda dusha u saaraan.

3. Si is-maqiiq iyo indho la’aan ah, wax walba waxay u huraan sidii ay u socodsiin lahaayeen danta iyo ujeeddada ay leeyihiin, xataa haddii ay ku dhimanayaan boqollaal kun oo qof.

4. Waa keligood saxanayaal aan qaadan talooyinka nasteexa ah ee loo soo jeediyo, ciddii u soo jeedisana waxay u qaadaan cadaawad.

5. Si ay kursiga iyo awoodda u sii xajistaan, waxay si ula-kac-ah ugu kacaan khiyaamo qaran iyo dibindaabyo ay ka galayaan dalka iyo dadka ay xukumaan, iyagoo la galaya dalal shisheeye.