Somaliland: Dhawrsanaantu waxay dan u tahay qofka, qoyska iyo qaranka oo dhan

Faallo: Xuseen Cali Nuur

Nabaddu waa u saldhig, aasaas iyo lafdhabarta nolosha hagaagsan oo horumar leh, sidii loo heli lahaana waxa xaqiiqo ah in nabaddu dan u tahay qofka, qoyska iyo qarankaba. Si arrintani suurtogal iyo xaqiiq jirta u noqoto, waxa loo baahan yahay in loo helo dhawrsannaan gaar ah iyo mid guudba.
Dhawrsannaantu waxay qofka ka badbaadisaa wax kasta oo sharaftiisa iyo dadnimadiisa wax u dhimaya. Dhawrsannaanta waxa ugu horreeya, inuu qofku ka baxo jahliga oo uu wax barto. Aqoontu waxay qofka u tahay shaandho uu ku kala garan karo, ku kala saarana waxa xun iyo waxa wanaagsanba.
Waa hub uu adeegsan karo hadh iyo habeen oo uu waxyaabaha dhibaatada u geysan, isla markaana kaga hortagi karo, kuna kala garan karo xaaraanta iyo waxa xalaasha ah, wuxuu ku kala sooci karaa waa aqoonta iyo dhawrsanaanta. Wixii waxtar u leh iyo wixii dhibaato u lehna sidaas ayuu kaga badbaadayaa.
Dhawrsanaantu waxay qofka ku abuuraysaa dareen ah, in gacanta la hoorsado qof kale, oo nooc kasta  oo loogu hoorsanayo iyo ujeeddo kasta oo laga leeyahay, aanay marnaba si qoto dheer in loo eego in aanay waxba ku kala duwanayn. Waxa kaliya ee lagu tilmaami karaa gacan hoorsigaas baryo bani’aadam oo aan ahayn tii ILAAHAY uu lahaa. Ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu innaga dhigo dadka ka badbaada in aan gacmahayaga qof kale hoos dhiganno.
Dhawrsanaantu waxay qofka ku dhalinaysaa inuu u dedaalo inuu shaqeysto, wuxuu ka badbaadayaa culayska uu ku hayo waalidkiisa. Wuxuu awood u helayaa, noqonayaana qof waxa uun ka guta xaqii uu ku lahaa waalidkii soo koriyey.
Dakhliga shaqada ka soo galayaa wuxuu ka xoraynayaa gacan hoorsiga. Waxa u dheer inuu ku noolaanayo sharaf. Waxa kaloo intaas dheer in aanu qofku lahaanaynin waqti badan oo firaaqo ah oo uu waxyaabo badan  oo uu shaydaanku la hoos roori karo uu ku kaco. Firaaqada badan ee qofku uu u baahdo inuu buuxiyo ayuu ka badbaadayaa, waxaanay naftu u horseedaysaa haddii uu firaaqo badan yeesho  wuxuu u baahanayaa wax kasta oo mashquulinaya  oo uu waqtigaas ku soo baxsaday uu ku buuxiyo.
Casrigan aan ku nool nahay waxay u horseedi kartaa inuu  shaqo ka dhigto, kuna mashquulo telefoonnada  laab-salaaxa oo if iyo aakhiraba seejin kara, haddii aannu ka fogaan, una adeegsan tiknoolajiyadda wixii dan u ah naftiisa iyo diintiisaba. Wuxuu qofku noqon karaa lahayste  dhaqan shisheeye leh oo badankoodu wuxuu Eebbe innaga reebay iyo wixii kale aanay u kala soocnayn oo sida ay doonayaanba u dhaqma, una yaqaan inay tahay arrintaasi xornimada qofku uu leeyahay. Waxa uu qofku ha u badnaadaan da’yartuye dhaqan xumo nooc kasta oo ay tahay uu ku dhici karo.
Duruufaha dhaqaale iyo wakhtiga badaniba waxay ku keeni karaan inuu gurigooda marka u horreysa wax ka xado oo gacmihiisu edebtii ay lahaayeen ka baxaan. Heerkaas wuxuu ku bilaabayaa tuugnimo, waxana u raaci doona budhcadnimo nabadgelyada xataa wax u dhimaysa.
Waxa waqtigaas firaaqada ahi ku kalifi doonaa lacagtaas sida khaladka ah u soo galaysa inuu u isticmaalo Maandooriyeyaasha kala duwan, taas oo dhaxalsiinaysa inuu noqdo qof nolosha ka dhaca.
Waxay ila tahay in dhawrsanaan la’aantu ay qofka u horseedi karto baryo toos ah ama mid dadban, weji-gabax, tuugo, budhcadnimo iyo nolosha oo laga dhaco.

Waxaan leeyahay waxa loo baahan yahay, in aan ogaanno in dhawrsanaantu dan u tahay  qoyska, waxtarna u leedahay qoyska   oo ay badbaaddiisana  ay tahay, hase ahaatee dhawrsanaan la’aantu  waxay dhalin kartaa in qofku nolosha ka dhaco, qoyskuna burburo, qarankana dhibaatada gaadhaysaa way ka badnaanaysaa. Ha la ogaado inay dhawrsanaan la’aantu inay dalka u horseedi karto shirqoollada shisheeye iyo danaha gaar ah ee la doonayo inay dad gaar ah fuliyaan. Ha la ogaado dhawrsanaanta, hana la xoojiyo ku dhaqankeeda.

Xuseen Cali Nuur,
Hargeysa, Somaliland.