Yuusuf Garaad oo ka dalbay Buurmadow inuu raalligelin ka bixiyo hadal uu jeediyey

Talo walaalnimo oo ku wajahan Boqor Buurmadow iyo madaxda garab taagnaa.
Bani’aadamku wuu khaldamaa, laakiin waa in uu isa saxaa.
Wax kaftan gala iyo wax kale ayaa kala jira.
Haddii ay xog-ogaalnimo darro u geysay iyo haddii kaleba Boqor Buurmadow waxa ku waajibay in uu la noqdo hadalkiisii ahaa in ay Soomaaliya ka jirto laba dawladood oo midkood ay tahay Shabaab.
Waxa la gudboon in uu raalli-gelin ka bixiyo erayadiisii oo anigu aan u arko in ay qadaf ku yihiin dawladda Soomaaliya, dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada dadka faraha badan ee Shabaab dilay, kuwa uu naafeeyey iyo beel-weynta Soomaaliyeed ee sharafta badan ee uu magaceeda ku sidkay arga-gixisnimo.

Afkooda kama maqal, laakiin masuuliyiinta garbaha ka taagnaa, oo midkood uu xubin ka yahay labada gole ee dalka ka arrimiya, anigu ma qabo in ay Boqorka isku fikrad ka yihiin aragtidaas.

Wasiirka waxaan u soo jeedin lahaa in uu iska beri yeelo ereyada culus ee aannu odhan, laakiin garab istaaggiisa loo macneyn karo ka raalli ahaashada iyo shabbadda Xukuumadda.