Kulmiye  wuu  guuleysan  karaa  haduu  ka  curto  israac  gobonimo  gobolada  galbeed 

Gudoomiye  Xirsi   waa  in  loo  hellaa  Gudoomiye  Xildiid.

Musharax   Madaxweyne =  C/raxmaan  Ciro   waa  in  loo  helaa   C/raxmaan   kale.

Musharax  Madaxweyne  Ku  xigeen  =  Maxamed  Cali   waa  in  loo  hellaa   Maxamed  kale  ama   Maxamuud.

3da  Gobol  ee  Bariga   ayuu   isku   duba   ritay  Waa  shax  siyaasadeed  Goboleysan  oo  Bariyeysan  marka   aad   diirada  saarto  sarta  dhismaha siyaasada  xisbiga  wadani  rabo  in  uu  ku  soo  ciyaar  galo  kal-dambe ;  3daa  gobol  ee  bariga  ( Tog-dheer  iyo Sanaag  waxa  matalaya  Gudoomiye  xisbi  iyo 2 ku  xigeen, Gobolka Sool  Gudoomiyaha  Wakiilada  iyo  Ku-xigeen  Xisbi )  dhamaantoodna  waxa   matalaya  Musharax   Madaxweyne , Xisbiga   Wadani Gobolada  Galbeed  waxa  uu  u  qorsheeyey  Xillal   wada   KU- xigeeno  ah.

Xisbiga  Kulmiye  uu  guuleysan  karaa  hadii  uu  ka  curto  israac  Gobonimo  Gobolada  Galbeed  taasi  oo    macnaheedu   yahay  5  xubnood  ee  hogaanka  xisbiga  ah   in  sidooda  loo  daayo,  ku  daris  iyo  ka  dhimis   toona  aan  lagu  sameynin, xataa    Gudoomiyaha  Xisbiga  oo   ah  Madaxweynaha  Qaranku  uu  sii  hayo  Xilkaasi   Gudoomiyenimo   balse   kaliya  uu  ku  wareejiyo  Musharaxnimadiisii   doorka 2aad   si  gobonimo  taariikhaysan   leh   isla   Musharax   Madaxweyne   oo uu  Madaxweynuhu   dhiso   oo  ka  soo   jeeda  AWDAL,  si   ay  u  hirgasho  Xisbiga  Kulmiye  oo   2 kacleyn  Guusha  ku  hogaamiya  iyo  waliba   israac   gobonimo   oo  gobolada   galbeed   ka   tisqaada.

By: Dr.khadar Libaaxley.

dr.khadar05@gmail.com