Maxaad kala socotaa wararkii u danbeeyay ee Fly Dubai?

Sida ay ii xaqiijiyeen masuuliyiin kala duwan, muddo usbuuc ka hor ku siman waxay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ka wakiil yahay maareeyaha haayadda duulista hawada Somaliland iyo masuuliyiinta diyaaradda Flydubai ay ka wada hadleen jadwalka duulimaadyada diyaaradda Flydubai ay ku timaado caasimadda Hargeysa oo sida xukuumaddu amar dusha kaga keentay ay seddexdii maalmood ee diyaaradda Flydubai iman jirtay garoonka diyaaraddaha ee Hargeysa ay ka dhigeen laba maalmood.

Maxay ku qotonta ama ku salaysanyahay Amarka xukuumadda ay jadwalka Flydubai ku dhintay

Sida maareeyaha haayadda duulista Somaliland uu sheegay waxay u qaateen sababta dhimista duulimaadyada Flydubai, iyadoo ay doonayaan in xilliga qaboobaha ay fursad isle’eg siiyaan shariikaddaha diyaaraddaha ee Flydubai, Air Arabia iyo Daallo Airlines, maadama xajmiga dadka isticmaalaya diyaaradahu uu hoos u dhaco xilliga qaboobaha.

Maxay tahay Doodda Flydubai

Flydubai waxay ku doodayaan in diyaaradda Flydubai ay ka duwantahay Air Arabia iyo Daallo Airlines, waxay uga duwantahayna ay tahay iyadoo Flydubai ku xidhan ama la mataano ah diyaaradda Emirates Airways, isla markaana macaamiisha rakaabkoodu uu 90% ay yahiin dadka ka yimaada meelaha dalka Emirates ka baxsan ee diyaaradda Emirates soo qaado.

Marka waxay Flydubai leeyahiin macquul maaha umana aha qaab farsamo iyo qaab dakhli labadaba in laba maalmood oo qudha aanu ku fadhiisin karo jadwalka macaamiisha ama rakaabka diyaaradda Emirates soo raaca ka Flydubai.

Maxaa wada-hadalku xal gaadhsiiyay?

Xukuumaddu waxay ku adkaysatay in diyaaradda Flydubai ay labada maalmood timaado muddo cayiman, ka dibna iyadoo la eegayo duruuftooda loogu celin doono 3 maalmood, balse ay hadda ku bilaaban laba maalmood, “amarkana” ay qaatan.

Waxaa la isla gartay inay xukuumaddu soo samayso jadwalka muddada diyaaradda Flydubai imanayso labada maalmood iyo wakhtiga loogu kordhinayo maalinta 3aad.

Weli allaanka xukuumaddu may soo saarin jadwalkii laga sugaayay ee lagu heshiiyay, warar kale oo ku dhaw oo aan la xaqiijina waxay sheegayaan inay xukuumaddu doonayso inay ka laabato gebi ahaanba ballan qaadka ay sameeyeen, kana caga-jiidayaan.

WQ Maxamed Cabdi Xasan (Diridhaba).