BAAQ QURBAJOOGA DEEGAANADA OOGADA, GALBEEDKA IYO WAQOOYIGA MAROODIJEEX EE WAQOOYIGA AMEERIKA

Sida aad ka warqabtaan dhammaan deegaanadaa kor ku xusan waxay ka jira abaaro riiq dheeraada oo dadkii iyo duunyadiiba waxyeeleeyey; hadda oo roobkii gu’gu bilaabmayna waxa dhicidoonta in wixii xoolaha kasii noolaa in jirku dilo. Qayladhaantu muddo dheer ayey socota hase ahaate ilaa hadda wax gurmad  iyo gargaar ah kamaynaan geysan inteena ku nool Waqooyiga Ameerika. Waar bal dadkan tabaalaysan lafohooda uun ha la badbaadiye sidan si la eegto ma ahay dadka ha loo naxariisto oo ha loo gurmado.
 
 
Axmed Cali Sabeyse